X

Somaliya oo xooga saartey ku guulaysashada xilka IGAD: SAWIRO

Somaliya ayaa xooga saartey ku guulaysashada xilka xoghayaha IGAD. Wasiirka cusub ee arimaha dibeda Somaliya Axmed Ciise Cawad oo ku sugan xarunta Afrika ee Addis ababa ayaa la kulmey dhigiisa dalalka ugu horeeya ee IGAD.



Waxa hadda banaan xilka xoghaya guud ee urur goboleedka IGAD oo Somaliya u sharaxdey rug cadaa Cabdisalaam Xaji Hadliye Cumar ahaana wasiirkii hore ee arimaha dibedda.

C/salaam Xaaji Hadliye Cumar ayaa khibrad weyn u leh arimaha dawladnimada iyo iskaashiga caalamiga una qalma jagadan iyo mid kalaba.

Wadamada uu wasiirku la kulmey ayaa ah Kiiniya, Yugaandha, Jabuuti, Suudaan iyo dabcan Itoobiya.



Somaliya ayaa xubin firfircoon ka ah ururka IGAD kana mid ahaa aasaasayaashii ugu horeeyay waana markii ugu horeysay ee ay codsato boos ka mida kuwa IGAD.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

 


admin:

This website uses cookies.