13/02/2026

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Somaliya oo Yugaandha kala hadlaysa hadalo ka yimi Musafeni: SAWIRO

Waxa magaalada Kambaala ee dalkaasi Yugaandha ka furmey shirka kobcinta dhaqaalaha Afrika iyo isku furnaanta ganacsiga. Waxa shirkan ka qaybgalay madaxweynaha Somaliya oo shirka dhexdiisa la kulmi doona qaar ka mida madaxda Afrika sida kan Yugaandha.



Madaxweynaha Somliya Farmaajo oo la kulmi doona dhigiiisa Musafeni ayaa su’aalo badan hordhigaya ay ka mid yihiin yasida uu Somaliya iyo dawladnimadeeda la daba taagan yahay xilli Yugaandha lacagta ay ka hesho Somaliya ay daaro waaweyn ka dhisatey.



Shirkan oo ay joogaan madax badan oo Afrikaanka iyo kuwa caalamkaba ah ayaa socon doona laba cisho, dadka badankiisa ayaa qaba in aanu waxba u kordhin doonin Somaliya oo u baahan deganaansho siyaasadeed inkastoo ganacsatadu wax kaheli karaan haddii wax laysla garto





C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS