Monday, May 20th, 2024
header










Meta







Somaliya yaa deynta ku leh maxaase hortaagan shilin Somali la helo: Dr C/raxmaan Beyle

Wasiirka maaliyada Dr C/raxmaan Beyle ayaa sharaxaya Somaliya cida deynta ku leh iyo waxa hortaagan in dalku yeesho shilin Somali maadaama shilin Somaliga hadda suuqa yaalaa uu yahay mid bugga.

Maamulada dalka ayaa iyagu samaystey mishiino ay lacagaha ku daabacdaan kadibna doolar xalaala kaga bedeshaan Somalida masaakiinta ah.



Somaliya yaa deynta ku leh

Wasiir C/raxmaan Beyle ayaa sharaxay wadamada deynta ku leh dalka oo guud ahaa gaaraysa 5 bilyan oo doolar. Waxanas uu u qaybiyay sadex kooxood. 1- bangiyada caalamiga oo iyagu leh sida bangiga aduunka, kan Afrika iyo hay’ada lacagta aduunka oo iyagu leh klacag gaaraysa 1 bilyan.



2-Wadamada laysku yiraa naadiga Baariis ama afka qalaad lagu yiraa(Paris Club) oo iyaguna leh 3 bilyan.

3-Carabta oo iyagu ah hay’ado isku tagey diideyna inay cafiyaan deynta waxay leeyihiin 1 bilyan oo doolar.

Wasiir C/raxmaan ayaa sheegay in Somaliya deyn qaadan Karin ilaa ay bixiso kuwii hore ama laga cafiyo. Taas oo ka duwan hadaladii hore ee wasiirka.

Soo daabicida shilin Somaliga

Dr C/raxmaan Beyle ayaa sheegay in lacagta lagu soo daabacayaa shilin Somaliga ay tahay 43 milyan oo doolar wuxuuna sheegay in kala bar lacagtaas ay hayaan, wuxuuse ku nuuxnuuxsaday in dalka baahidiisu badan tahay oo lacagtaa intaas leeg ay jiraan meelo u baahan in lagu bixiyo, taasina dib u dhigeyso soo daabicida lacagta.



Hantida dawlada

Wasiirka ayaa taabtey hantida dawlada ee dad iska xalaalaystey ama moodeenba wax ay leeyihiin oo hadda ku jiraan ama gateenba. Wuxuuna sheegay in hantida dawlada ee dalka daadsan ay gaarayso ilaa 3500 hanti ah.

Hadda waxaan samaynay tirokoob dhamaan hantida dawlada ee dalka oo dhan ayuu yiri Dr C/raxmaan Beyle

Warbixintii C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS



Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka xiga

Iiraan oo gaartay lix guul oo horleh weerarkii Yuhuuda

April, 16, 2024
Weerarkii Iiraan ay ku qaaday Yuhuuda ayadoo la ...

Yuhuuda oo qiratay in saldhig milatari iyo gego diyaaradeedba ku daayeen

April, 14, 2024
Weerarki xalay ee Iiraan ku qaaday Yuhuuda oo ...

Maraykanku ma ku dhacaa inuu weeraro Iiraan kadib weerarkii Yuhuuda?

April, 14, 2024
Iiraan ayaa hurdada u diiday Yuhuuda iyo kooxda ...

Wadamada Kuwayd, Qadar oo Maraykanka u diiday

April, 13, 2024
Wadamada Kuwayd iyo Qadar ayaa Maryaykanka u diiday ...

Iiraan oo maskaxiyan u dishay Yuhuuda xilli ayna far

April, 13, 2024
Iiraan ayaa wacad ku martay inay ka aargoosato ...

Dhacdooyinka

Sucuudiga oo safar raali gelina ugu tagay dabadhilifka Yukrayn

February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...

Dhulbahante oo ugu dambeyn ku heshiiyay inay is xoreeyaan

December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...

Imaaraadka oo qirtey inay dhaceen maamulka Somalilaan

December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...

Nin gabdhaha daroogeeya kadibna muuqaal ka duubta oo la qabtey

November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...

Ruushka iyo Shiinaha oo noqday saaxiibka keliya ee Somaliya

November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...

Qadar oo koobka adduunka ka faaiidey dad badan oo diinta qaatay

November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...

Madaxweynaha FIFA oo reer galbeedka ku tuntey

November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...