Thursday, May 9th, 2024
header










Meta







Soomaaliya oo abuuri karta 5000 oo shaqo bishii maxaase hortaan: Nasra makaanik

Nasra Xaaji Xuseen waxay ka soo jeeda gobolka Hiiraan waxayna u shaqo doonatey caasimsada Muqdisho halkaas oo dawladu degan tahay dakhliga ugu badana uu dalka ka soo galo. Taasi waxay keentay in magaaladu korodho ama balaarato dad badana ku soo qulqulaan sida Nasra oo dugsi sare dhamaysay.



”Waxaan ku soo degay eheladeyda oo Muqdisho degan, waxaanan in muddo ah ahaa shaqo raadis, runtiina aad ayay iigu adkaatey markaa waxaan noqdey guri joogto ayay tiri Nasra.

Nasra ayaa la qabta dhalinta Somaliyeed ee dhameeya dugsiyada sare ama jaamacadaha oo iyagu la korey burburka iyo dawlad la’aanta laakin markaad eegto deegaano nabad ku faanayay muddada burburka ay welli qabyaaladu ka shaqayso markii fadhiidyo kala duwan ku fashilmeen inay wax horumara sameeyaan.



”Muddo markaan quustey waxaan helay geerish gawaadhida lagu dayactiro, waxayna iga ogolaadeen inaan tababar la qaato ilaa markii dambe aan ka mid noqdey iyaga ayay tiri Nasra.

Maxaa dhacay ugu horeyn

Markii ugu horeysay ee laygu arkey geerishka dadkoo dhan waxay igu dhaheen wax miyaa kuu dhiman isaga soo tag meesha waana lay niyad jebiyay.



Waxyar kadib ayaan aabahay lacag u direy wuxuuna i weydiiyay halka aan ka keenay waxaanan ku iri shaqo geerish ah ayaan helay, wuxuuna yiri hore u soco aabo.

Shaqada geerishka gawaadhidu ma fududa marmar waxaan sameeyaa gawaadhida raaxada marmarna kuwa waaweyn ayay tiri Nasra Xaaji Xuseen. Shaqo yaryaraysi male.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS



Readers Comments (0)




Wararka xiga

Iiraan oo gaartay lix guul oo horleh weerarkii Yuhuuda

April, 16, 2024
Weerarkii Iiraan ay ku qaaday Yuhuuda ayadoo la ...

Yuhuuda oo qiratay in saldhig milatari iyo gego diyaaradeedba ku daayeen

April, 14, 2024
Weerarki xalay ee Iiraan ku qaaday Yuhuuda oo ...

Maraykanku ma ku dhacaa inuu weeraro Iiraan kadib weerarkii Yuhuuda?

April, 14, 2024
Iiraan ayaa hurdada u diiday Yuhuuda iyo kooxda ...

Wadamada Kuwayd, Qadar oo Maraykanka u diiday

April, 13, 2024
Wadamada Kuwayd iyo Qadar ayaa Maryaykanka u diiday ...

Iiraan oo maskaxiyan u dishay Yuhuuda xilli ayna far

April, 13, 2024
Iiraan ayaa wacad ku martay inay ka aargoosato ...

Dhacdooyinka

Sucuudiga oo safar raali gelina ugu tagay dabadhilifka Yukrayn

February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...

Dhulbahante oo ugu dambeyn ku heshiiyay inay is xoreeyaan

December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...

Imaaraadka oo qirtey inay dhaceen maamulka Somalilaan

December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...

Nin gabdhaha daroogeeya kadibna muuqaal ka duubta oo la qabtey

November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...

Ruushka iyo Shiinaha oo noqday saaxiibka keliya ee Somaliya

November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...

Qadar oo koobka adduunka ka faaiidey dad badan oo diinta qaatay

November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...

Madaxweynaha FIFA oo reer galbeedka ku tuntey

November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...