X

Su’aalo laga keenay ciidan Ingiriisku ku tababaro Baydhabo

Inkastoo dawlada Somaliya horumar ka samaysay kobcinta ciidanka Somaliya oo ilaa hadda ka gudbi la in gobolkasta cida joogta la qorto oo ayna jirin ciidan isku dhafan, waxa haddana arinta sii xumeeyay ajaanibta faraha ku jirta ciidabka qaranka.


”Iima muuqato waxa Ingiriiska loogu ogolaaday inuu tababar siiyo ciidan qaranku leeyahay, ma waxaan gaarney inaan ciidan qaran gacmaha u gelino isla cadowgii aan kula dagaalami lahayn ayuu yiri Cali Calasow.

Ujeedada Ingiriisku u tababarayo ayadoo loo dirsan ayaa ah inuu kaalin ku yeesho Koofurta Somaliya atyadoo aaan ognahay inuu yahay taageeraha weyn ee gooni goosadka Hargeyasa inkastoo uu ku dhici waayay inuu ictiraafo ayuu qabaa Xuseen Warsame.


”In laga saaro Baydhabo ayaan qabaa ayuu raaciyay Cali Calasow.

Askarta Turkigu tababaro ayaa la siiyaa tababar daacada o ah kan ugu sareeya ee la siiyo inkastoo isna noo hoosgeliyo inuu baro afkooda laakiin haddana waa wadan Muslina oo walaalo nahay ayuu raaciyay Xuseen Warsame.

Haddii la rabi in la dhiso ciidan qaran waa inay gacanta ku haysaa dawladu la siiyaa tababar Somalinimo, weyna joogaan saraakiishii qaranku iyagaana ku filan.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.