X

Weerar lagu qaaday saldhig ciidan oo aad looga hadal hayo Jabuuti: WARBIXIN

Waxa habeen hore weerar lagu qaaday saldhig ciidan magaalada xeebta ah ee Tajoora tani oo dad badan u qaateen inay noqon karto weeraro qorsheysan oo lagu wiiqayo ciidanka daacada u ah Ismaaciil Cumar Geelle.


Waxa aad u kordhey mucaaradada xukunka Ismaaciil Cumar Geelle looga soo horjeedo oo dakhligii dalka uu u gacan galay qoyskiisa, ayadoo dadka ku hoos nool ay aad u rafaadsan yihiin.

Weerarka oo ilaa hadda ayna sheegan kooxina ayaa hoosta ka xariiqaya in hadda ay gaartey qori caaradii maadaama qofkii hadla uu qori caaradii kula dhaqmo.


Waxa weerarkaas ku dhintey hal askari sida ay sheegeen masuuliyiinta Tajoora iyo kuwa ciidankaba. ”Waxay ku socotaa in aakhirka loogu tago guriga uu ku dhistey xoolaha ummada halka shacabkii Jabuuti ay dishey wasakh iyo kaneeco ayuu yiri Xuseen Warsame.

Waxaad is weydiin kartaa maxaa maadaama hadda bartilmaameedku yahay kuwii uu ku dhibayay ummada in la toogto.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

 


admin:

This website uses cookies.