X

Sucuudiga oo bilaabay dalku-galka dalxiiska iyo maro madow ma jireyso

Sucuudiga ayaa sheegay inay bilaabayaan bisha soo socota dalku-galka dalxiiska ayagoo ku faanaya in dalku furfurnaan doono kuna noqon doono diinta saxda ama sida ay sheegayaan kahor kacaankii Iiraan ee diinta sanadii 1979.


Sucuudiga ayaa balan qaaday in aan dumarku dib u heli doonaan dhamaan xoriyadaha kka maqan, ayagoo aan ku qasbi doonin inay xirtaan marada madow iyo af-daboolka ayaa lagu yiri warbixinta.

Haweenka Sucuudiga iyo kuwa kale ee khaliijka ayaa laga joojiyay inay dharkale suuqa ku tagaan aan ka ahayn diraca madow iyo weliba af-daboolka.


Xoriyada kale ee ay balan qaadeen ayaa ah in aan haweenka lagu xiri doonin in nin la socdo markey baxayaan, taas oo si qaldan u turjunteen markii hore.

Sucuudiga ayaa dhisaya jasiirad dalxiiska u gaara oo dadku xor yihiin. Waxay dib u bilaabeen shineemooyinka iyo haweenka oo hadda laga sii daayo telefishanka ayagoo heesaya.


“Waan Ka baxney Wahaabiyadii dadka la ciriiri gelinaayay waxaan u noqoney diinta saxda ah ee ayna ku jirin dadka oo la eego ayuu yiri madaxa dalxiiska. Ma sheegin inay joojin doonin argagixisada Shabaab ee ay taageeraan iyo wadaadada faafiya caqiidadooda.

Wadamada beri oo Sabti ah loo furey inay bogga safaarada Ka dalban karaan ayaa waxa Ka mida Yurub, Maraykanka, Shiinaha, Ustaraaliya iyo kuwo kale.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.