X

Suudaan oo daaqada ka tuurtey sharci dulmi ku ahaa haweenka

Xukuumada cusub ee Suudaan ee isugu jirta askarta iyo shacabka ayaa daaqada Ka tuurtey sharci kaga yimi Sucuudiga oo Isha saaray dharka haweenku xirtaan keliya oo uu soo koobigareeyay Cumar Albashiir.


Sharciga ayaan diinta shaqo Ku lahayn wuxuuna la midyahay midka haweenka Somaliyeed u diidey in ay xirtaan dhar kale oo aan Ka ahayn dhar madow ama cad ayna soo Roger argagixisada.

Cumar Albashiir ayaa xooga saaray sida haweenku u labistaan waxana la arkay mudadii dheerayd ee uu xukunka hayay haween loo garaacayo dharka ay xiran yihiin.


Waxa caadi ahayd in haweenka suuqa askartu Ku joojiyaan kadibna baadhaan ama faroxumeeyaan ayagoo isticmaalaya sharciga uu ugu yeeray amarka dadka  ayay yiri Caasha Muuse.


Aakhirkii waxa xukunka Ka tuurey Cumar Albashiir shacabka Suudaan oo ay ugu horeeyaan haweenkii uu sida gaarka u beegsaday. Haweenka masaakiinta ah ayaa ahaa kuwa had iyo jeer la garaaco ayadoo maaha madaxdu xirtaan waxay Ka helaan.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.