Sunday, May 19th, 2024
header










Meta







Taariikh noloeedka jeneraal Maxamed Abshir Muuse (Haamaan) oo Maraykan ku geeriyoodey

Madaxweynaha Somaliya ayaa tacsi ka direy Marxuum Maj. Gen. Maxamed Abshir Muuse oo arbacadii ku geeriyooday dalka Mareykanka ahaana sarkaal sare o wax ka dhisey ciidankii booliiska Somaliyeed.

Marxuum Abshir Haamaan, waxaa uu dhashay 1926, isaga oo wax ku soo bartay dalka Talyaaniga, markii uu dalka ku soo laabtay waxaa uu gobolka Bari ka noqday taliye waaxeed xagga Booliiska ah, waxaana lagu xusuustaa qeybtii uu ku lahaa dhismaha ciidamada Booliiska Soomaaliyeed.



Dhismaha Ciidamada Booliiska:

Dagaalkii Labaad ee Aduunka 1941, waxaa dalkeena la wareegay Ingiriiska, oo waatii laga adkaaday gumeystihii Talyaaniga ee Fajistaha ahaa, dalka oo dhan waxaa qabsaday gumeystaha Ingiriiska, 10kii sano uu Ingiriiska dalka heystay waxaa loo yaqaanay Booliiska Soomaaliyeed Chermarmie.

1950-kii, waxaa dalka dib ugu soo noqday Talyaaniga, Talyaaniga waxaa ay sameeyeen booliis the Corpo di Polizia della Somalia (Police Corps of Somalia) taas oo ay ka soo baxeen Saraakiil badan.

1958: Ra’isul wasaarihii xukuumadii Daakhiliyada Cabdulahi Ciise Maxamud ayaa markii ugu horeysay waxaa uu Booliiska Soomaaliyeed (Forza di Polizia della Somalia ama the Police Force of Somalia) u sameeyay hoggaan cusub, waxaa Madax uu uga dhigay Shakhsi Soomaali ah kaas oo ahaa Maj. Gen. Mohamed Abshir Muse, waxaa qofkii ugu horeeyay ee Soomaali ah oo darajada General loo dalacsiiyo.

Mr. Maxamed Abshir Muuse waxaa uu ahaa shakhsiga dhisay, qalabeeyay iyo isla markaana tayeeyay Ciidamada Booliiska Soomaaliya.



Sanadii 1960kii markii xuriyadda la qaatay waxaa dalka laga hirgaliyay Booliis rasmi ah, waxaa la isku daray Booliiskii Waqooyi iyo Midkii Koofureed, waxaa tiradiisa lagu sheegaa in uu ka koobnaa ilaa 3700 askari.

Rag badan oo Booliiska ka tirsanaa oo hoos tagi jiray Maj. Gen. Mohamed Abshir Muse waxaa loo wareejiyay oo lagu aasaasay ciidamada xoogga dalka, Ragga ugu cadcaddaa ee lagu bilaabay ciidanka xoogga dalka dhamaantood waxaa ay ahaayeen Booliis, Waxaa ka mid ahaa Gashaanleyaal sida Da’ud Cabdulle Xersi, Liiqliiqato, Maxamed Ibrahim iyo rag kale iyo kuwoo Captain ahaa sida Maxamed Siyaad, Cali Samatar, Gabeyre iyo Cabdulahi Yusuf.



1961-dii waxaa markii ugu horeysey la abuurey unugta haweenka ee booliska Soomaaliyeed, kuwaasi oo u xilsaarnaa baarista dumarka dambiyada gala ama laga galo iyo wax alaale wixii dumarka iyo dambiyada la xiriira.

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa waxyaabaha ay u xilsaarnaayeen waxaa ka mid ah ama qeybaha ay ka koobnaayeen kuwa Roondada, nabadgalyadda waddooyinka, baarista dambiyada, xogdoonka, iyo waliba la dagaalanka falaagonimada.



Saraakiil ka tirsan Ciidamada waxaa ay sheegeen in aanay isku fiicneen Mohamed Abshir Muse iyo Maxamed Siyaad Barre, taas oo aad u soo baxday kadib inqilaabkii 1969-kii, waxaa uu xabsiga ku jiray muddo ka badan 10 sano.

Saraakiishan waxaa ay qabaan in Maxamed Siyaad Barre uu u baqay shacbiyadiisa, 1969-kii waxaa uu marka hore geliyay xabsi guri labo sano kadib ayuu fasaxay, Laakin waxaa uu dib ugu celiyay markii uu arkay in ciidamada iyo Shacabka weli jecel yihiin, markan dambe 9 sano ayuu xabsi adag ku jiray.

1990-1991-dii, Xilligii dagaallada Sokeeye, waxaa uu ka tirsanaa qolada loo yaqaaney “Suluxa”, waxaa uu aad ugu dhawaa Madaxweynihii KMG ahaa Cali Mahdi Maxamed, kadibna waxaa ay hoggaanka SSDF isku qabteen Cabdullahi Yusuf Axmed



1993–1994: waxaa sano ay aad isku hayeen Maxamed Abshir iyo Cabdulahi Yusuf, ninka hore waa Majeerteen Cusman Maxamud ah, waxaa ay ku xoog badnaayeen magaalada xeebta ah ee Boosaaso, waxaa uu hoggaamiye garab ka tirsan SSDF ahaa 1991-1998-dii.

Labada garab waxa ay iska soo horjeedeen in muddo ah, waxaa ay ka wada qeybgaleen shirkii dib u heshiisiinta Djibouti June–July 1991- shirkii May–August 2000, in kasta oo Puntland ay degtay markii la dhisay maamulkaasi 24 July 1998.

Sanadihii ugu dambeeyay waxaa uu ku noolaa oo isaga iyo caruurtiisa deganaayeen dalka Mareykanka, halkaasi oo xalay ku geeriyooday.

Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka xiga

Iiraan oo gaartay lix guul oo horleh weerarkii Yuhuuda

April, 16, 2024
Weerarkii Iiraan ay ku qaaday Yuhuuda ayadoo la ...

Yuhuuda oo qiratay in saldhig milatari iyo gego diyaaradeedba ku daayeen

April, 14, 2024
Weerarki xalay ee Iiraan ku qaaday Yuhuuda oo ...

Maraykanku ma ku dhacaa inuu weeraro Iiraan kadib weerarkii Yuhuuda?

April, 14, 2024
Iiraan ayaa hurdada u diiday Yuhuuda iyo kooxda ...

Wadamada Kuwayd, Qadar oo Maraykanka u diiday

April, 13, 2024
Wadamada Kuwayd iyo Qadar ayaa Maryaykanka u diiday ...

Iiraan oo maskaxiyan u dishay Yuhuuda xilli ayna far

April, 13, 2024
Iiraan ayaa wacad ku martay inay ka aargoosato ...

Dhacdooyinka

Sucuudiga oo safar raali gelina ugu tagay dabadhilifka Yukrayn

February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...

Dhulbahante oo ugu dambeyn ku heshiiyay inay is xoreeyaan

December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...

Imaaraadka oo qirtey inay dhaceen maamulka Somalilaan

December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...

Nin gabdhaha daroogeeya kadibna muuqaal ka duubta oo la qabtey

November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...

Ruushka iyo Shiinaha oo noqday saaxiibka keliya ee Somaliya

November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...

Qadar oo koobka adduunka ka faaiidey dad badan oo diinta qaatay

November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...

Madaxweynaha FIFA oo reer galbeedka ku tuntey

November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...