Saturday, May 18th, 2024
header










Meta







Tahriibayaal halis ku jirey oo Boosaaso la keenay

Doonyo ka mid ah kuwa Ciidamada badda maamulka Puntland ayaa xalay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari soo gaarsiiyey 92 qof oo tahriibayaal ah kuwaas oo uu badda cas kasoo badbaadiyey Markab ka mid ah kuwa Ciidamada NATO ee ilaaliya xeebaha Puntland.

7 ka mid ah dadkaan ayaa Soomaali ah waxaana ku jirta haweenay uur leh, iyadoo 85 kalena ay yihiin dad u dhashay dalka Itoobiya, tahriibayaasha ayaa doontii ay ku safrayeen waxay cilad ku qabsatay badda Cas, waxaana gurmad u fidiyey Markabka NATO oo maamulka  Puntland ku soo wargeliyey inay dadkaas u timaado.

Puntland ayaa xaqiijisay inay gacanta ku hayso Kooxdii doontii masuulka ka ahayd ee dadkaan tahriibinaysay, waxaana la rumaysan yahay in doontu ay markii hore ka baxday xeebaha Puntland ayna ku sii jeeday dalka Yeman, halkaas oo inta badan dad Soomaaliyeed iyo Itoobiyaan fara badan ay u tahriibaan sanad walba.

Xiriiro kala duwan oo la sameeyay 92-da qof ee Tahriibayaasha ah ee xalay Boosaaso lasoo gaarsiiyey iyagoo safarka halista badan khatar ku galay balse lasoo badbaadiyey ayaa ogaaday in xaaladooda caafimaad ay wanaagsan tahay marka laga reebo haweenay uur leh oo Soomaali ah oo hadda lagu dabiibayo Isbitaal ku yaalla magaalada Boosaaso.

Si kastaba ha ahaatee laamaha Ammaanka magaalada Boosaaso ayaa sheegay inay dadkaan kala saari doonaan, waxaana si gaar ah loo cinqaabi doonaa kooxda wax tahriibinaysay.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka xiga

Iiraan oo gaartay lix guul oo horleh weerarkii Yuhuuda

April, 16, 2024
Weerarkii Iiraan ay ku qaaday Yuhuuda ayadoo la ...

Yuhuuda oo qiratay in saldhig milatari iyo gego diyaaradeedba ku daayeen

April, 14, 2024
Weerarki xalay ee Iiraan ku qaaday Yuhuuda oo ...

Maraykanku ma ku dhacaa inuu weeraro Iiraan kadib weerarkii Yuhuuda?

April, 14, 2024
Iiraan ayaa hurdada u diiday Yuhuuda iyo kooxda ...

Wadamada Kuwayd, Qadar oo Maraykanka u diiday

April, 13, 2024
Wadamada Kuwayd iyo Qadar ayaa Maryaykanka u diiday ...

Iiraan oo maskaxiyan u dishay Yuhuuda xilli ayna far

April, 13, 2024
Iiraan ayaa wacad ku martay inay ka aargoosato ...

Dhacdooyinka

Sucuudiga oo safar raali gelina ugu tagay dabadhilifka Yukrayn

February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...

Dhulbahante oo ugu dambeyn ku heshiiyay inay is xoreeyaan

December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...

Imaaraadka oo qirtey inay dhaceen maamulka Somalilaan

December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...

Nin gabdhaha daroogeeya kadibna muuqaal ka duubta oo la qabtey

November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...

Ruushka iyo Shiinaha oo noqday saaxiibka keliya ee Somaliya

November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...

Qadar oo koobka adduunka ka faaiidey dad badan oo diinta qaatay

November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...

Madaxweynaha FIFA oo reer galbeedka ku tuntey

November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...