X

Tahriibayaal markale lagu soo celiyay dalkooda hooyo iyo tirada: SAWIRADA

Tahriibayaal markale lagu soo celiyay dalkooda hooyo. Tahribayaashan ayaa laga soo celiyay dalkaasi burburey ee Liibiya. Safaarada Somaliya oo la shaqaynaysa ciidanka musuqa ee Liibiya ayaa xabsi booqdey.



Ilaa 300 boqol oo dhalinyaro Somali ah ayaa lagu guulaystey in laga badbaadiyo isdil ay isku wadeen waxase manta laga soo dejiyay garoonka Muqduisho ilaa 150 tahriibayaala.



”Muddo dheer kadib waxaan ku guulaysanay inaan soo deyno dhalinyar gaaraysa ilaa 151 runtii waa guul ay soo haysay dowladda Soomaaliya, waad arkaysaan dhalinyaradana sida farxaddu ay uga muuqato in dalkoodi hooyo ay ku soo laabtaan”. Ayuu yiri Danjire Cali Siciid Fiqi.

Maxaabiistan ayaa la sheegay inay iyaga doorteen inay dib ugu soo laabtaan dalkooda hooyo, kadib markii dhibaatooyin kala duwan ay ku qabsadeen gudaha dalka Libya.
Muddo ayey sheegeen inay ku dhibtoodeen xabsiyada dalka Libya oo ay kala kulmeen tacadi kala duwan oo ay u gaysteen kooxaha magafayaasha dalka Libya ku sugan.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.