X

Tahriibeyaal farabadan oo ku dhintey badda Jabuuti iyo Yaman

Dooni ka tagtey gobolka Dikhil oo hadda noqdey goobta ay ka baxaan doonyaha sida tahriibeyaasha Oromada u badan ayaa la yeeshay inay gadoontey ayna jirto dhimasho badan. Waxa la sheegayaa inay ku dhinteen 250 tahriibe.


Doonidan rogmatey ayaa waxa la saaray in ka badan tankeeda waana ta sababtey inay rogmatey sida uu sheegay dad ka badbaadey oo iyagu qabsaday jambiyada.

Sida ay ku warantey hay’adda socdaalka khadkan lagu hoogey ee gobolka Dikhil ayaa waxa ku dhintey dad aad u farabadan iyagoo baxa saqdhexe.


Waxa dadkan lagu daadiyaa xeebaha dalka fiqiirka ah ee Yaman, kadibna waa lagu gumeystaa ayadoo loogu gaysto tacadiyo ay ka mid yihiin kufsi iyo lacag fursasho.

Rashiid Ceelaanyo

ARAAABINEWS


admin:

This website uses cookies.