Taliyaha ciidanka ayaa ka hadley dhacdo ka dhacdey xero ciidan gaar ahaan xerada Jeneraal Gordan oo ay baneeyeen Imaaraadku. Xeradan ayay is rasaasayn ka dhacdey ayadoo ciidan yar ama koox isku daydey inay hub la baxaan.
“Ciidanka Xoogga Dalka waxa ay hadda gacanta ku hayaan askartii iyo Saraakiishii ka danbeeyey dhacdadaan, inkastoo ay tira ahaan aad u yaryihiin haddana waa mid aan marnaba la qaadan karin, waxaanna ballan qaadeeynaa in aan hor keeni doonno sharciga.”
Waxaa uu sheegay in ay waddaan baaritaano kale, islamarkaana ay tilaabo adag ay ka qaadi doonaan cidwalba oo ku kacda fal ceeb ku ah ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.
C/llaahi Warmooge
ARAABINERWS