X

Waa maxay ujeedada looga banaanbaxay degmada Balanbale ee Galguduud

Waxa banaanbax xoogan uu ka dhacay magaalada Balanbale ee gobolka Galguduud halkaas oo maamulka degmada iyo dadku iskugu soo baxeen. Dadka ayaa xanaaqay drew loogu talogalay degmada oo maamulka Galmudug u leexiyay dhinaca magaalada Guriceel.


Wasiirka maamulka ee qorsheynta oo ka soo jeeda degmada Guriceel ayaa lagu eedeeyay inuu maalgelin reer Yurub u qorsheeyeen uu u leexiyay Guriceel. “Waa qabyaalad cad ma yeelayno ayuu yiri mid Ka mida banaanbaxyada oo aad uga caraysan sida loogu tintey xaquuqdooda.


Maamulka Qoorqoor ayaa loogu baaqay inuu s degdega u saxo haddii kale ay u qaadan karaan inuu la ogyahay. ” Waxay muujinaysaa qabyaalad cad ee welli jirta oo wixii gaaladu keentay lagaka dagaalamayo dadkii la siiyay.


Mashaariicda reer Yurub ay wadaan ayaa loogu talogalay shan degmo oonka tirsan Galguduud waxana Balanbale lagu bedelay Guriceel wax aan aqbali karno maaha ayay yiraaheen dibed baxayaal caraysan.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.