12/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Tigreega oo dareemay dhibka qaxu leeyahay xilli ciidanka Itoobiya qabsaday dhul horleh

Saraakiisha Tigreega ee hore u qixiyay xasuuqayna kumanaan Somali iyo Oromo iyo Eritariyaan isugu jira. Dadkaas ka qaxay weeraradii Tigreegii Milas Sinaawi ayaa welli ku sugan xeryaha Suudaan. ”Maanta waa markoodii ayuu yiri wiil dhalinyara oo jooga xeryaha qaxootiga ee Suudaan.



Waxaan soo qaxney sanadii 1998 anoo wiil yara ilaa haddana kuma noqon karno dhulkayagii, maanta waxa noo farxada in kuwii shalay na qixiyay ay maanta iyaguna qaxayaan.

Sidoo kale waxa Tigreegi barakiciyay oo qixiyay kumanaan Somali gar ahaan magaalooyinka Baydhabo iyo Muqdisho sanadii 2006, markii ay weerar ku qaadeen argagixisadii qabsatey dalka.



”Saaka waxa Tigreegu ku faanay inuu weeraray caasimada Eritariya sida uu sheegtay horjoogaha kooxda oo hore u aruursaday hubkii ugu badnaa, askartii Tigreegana ka buuxiyay gobolka kuna sheegay ciidan federaala.

Si kastaba ha ahaatee waxa hilfaha loo qaaday maleeshiyada Tigreega, waxayna hadda ku dagaalamayaan hubkii ugu dambeeyay.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS