19/04/2026

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Tira dad ah oo ku dhimatey Beledweyne iyo waxa sababay: SAWIRO

Tira dad ah ayaa ku dhimatey Beledweyne xilli magaalada ay welli la ciirciirayso fatahaada webiga Shabeelle ayadoo roobabku welli da ‘ayaan.

Inta la xaqiijiyey ku dhawaad 10 Ruux ayaa geeriyooday halka in ka badan ay dhaawacmeen kadib markii ay rogmatay Cagaf Cagaf dhex mareysay qeybo ka mid ah Xaafadaha Magaalada Baladweyne oo ay biyo dhex jiifaan.




Cagaftaan ayaa ka timid deegaanka Ceeljaale ee duleedka Beledweyne oo ay kun sugan yihiin badi dadkii ka barakacay fatahaada Wabiga. Waxaana saarnaa ilaa 50 ruux,iyada oo rogmatay xilli ay dhex mareysay goob ay biyo ka buuxaan.

Cagafta ayaa xilligan ah gaadiidka kaliya ee ka socda Beledweyne oo meelo aad u farabadan biyaha Webigu fadhiyaan.




Dadka geeriyooday ayaa dhamaantood rag ahaa waxaana sidookale lasoo badbaadiyay ilaa 30 qof oo ka mid ahaa dadkii saarnaa Gaariga cagaf cagafta ah.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS