X

Tirada mujrimiinta shabaab ku xasuuqday huteel Elite oo sii korodhay

Waxa welli huteelka Elite ku sugan ciidanka Haramcad ee soo afjaray weerarkii fuleynimo ee dhiigmiiradka shabaab ku xasuuqeen dadkeena. Waxase nasiib daro in dhimashadu sii korodhey.


‘Waxaan saaka fiirinay huteelka qaasatan meelaha burbursan waxaana helnay meydad horleh ayuu yiri taliye u hadlay ciidanka booliiska oo goobta tagey.

”Waxay dhimashadu hadda gaartey 16 qof halka dhaawacuna intas ku dhow yahay. Huteelka ayaa waxa joogey xilliga mujrimiitu galeen ilaa 200 oo qof oo intooda badan la soo badbaadiyay.


Waxaan ognahay in dhiigmiiradku aad uga xun yihiin nolosha dadka oo ay ku jirto inayna arki karin qof fadhiya meel nadiifa oo shaah cabaya ayuu yiri Cali Calasow.

C/llahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.