Waxa sii kordhey tirada dadka la xaqiijay inay qabaan cudurka Kooro magaalada Muqdisho xilli dawladu ku dadaalayso inay yarayso faafida cudurka. Wasaarada caafimaadka ayaa sheegtay in dadka ka bogsooday ayna kordhin.
Waxa 24-kii saac ee u dambeeyay laga helay cudurka 46 qof taas oo tirada guud ee dadka la ildaran ka dhigeysa 436 qof. Tirada dadka u geeriyooday ayaa iyana waxa ku biirey korodhey 5 qof oo kale.
Taas waxay ka dhigeysaa tirada guud ee u geeriyootay cudurka 23 qof dalkoo dhan. Tani ayaa imaanaysa in shalay dad isugu soo baxay magaalada ay jebiyeen amarada xakamaynta cudurka ee dawlada soo rogtey, ayagoo siyaasad ka raadiyay askari diley dad aan waxba galabsan.
Maaskaro (san iyo af qaris)
Dhinaca dawlada ayaa magaalada Muqdisho ka qaybisay maaskaro ama marooyin lagu qariyo sanka iyo afka. Ujeedada ayaa ah in laga hortago neefsashada dadku isku neefsanayaan ama qufaca aan afka la xiran, ayadoo ay jiraan dad cudurka qaba laakiin aan muujin calaamadaha lagu garto.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS