Waxaa aad u kordhey tirada dadka ka soo barakacaya abaaraha gobolka Togdheer ayaa aadu korodhey kuwaas oo si xawli ah ku imanaya deegaano ka tirsan gobolka Awdal.
Dadkan oo ay ka muuqato diif iyo daranyo ay u dheer tahay xoolahoodi oo daadsan, wadooyinka hareeraheeda kasekow xoolahaasi waxana u sii dheer abag iyo hu aan dhaafsiisneyn laba mar xidhasho iyo weel mar wax ku karsi ah.
Dhibaatooyinka ugu badan ee ay dadkaasi la kulmeen waxaa ka mida banka Tog-wajaale iyo meelaha kale ee ku hareeraysani malaha xaabo ay shitaan amase cuntada ku karsadan, biyuhuna waa qaar ka durugsan goobaha ay degan yihiin,waxaa intaasi u dheer dhaxanta iyo hoy la’aanta heysata.
Gudidada abaaraha ee maamulka Somaliland ayaa ka hurda dadkani soo batey iyadoo maamul xumadu gaartey halkii ugu saraysay.
Waxaa aad arkeysaa oo ay indhaahaagu gaadiidka faraha badan ee qul-qulaya, wadada dhanka Boorama uga baxda magaalada Hargeysa iyo ta dhanka bari ka soo gasha ee sida dadka iyo xoolaha hayaanka ah ee abaartu ka soo barakicisay deegaanadii ay degenaayeen.
Dadkan oo xoolaha ay wataan ay yihiin qaar aad u liita ayaan wakhtigan xaadirka ah waxba u goyneyn hadii maanta ay naftu u qabato.
Isku soo wada xooriyo xukuumada iyo xisbigeeda KULMIYE, ayaa wakhtigan xaadirka ah ee la rabay inay odoroska yeelato sidii dadkaasi loogu gurman lahaa kaga mashquuley ololaha siyaasadeed ee ay ka wadaan wadanka iyo boobka hantida qaranka ee masuulkasta uu jeebkiisa ku shubanayo.




C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS
More Stories
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay