X

Tirada ku dhimatey dhulgariir ku dhiftey Turkiga oo sii korodhey

Dhulgariir xoogan oo Turkigu ku tilmaameen ilaa 6.6 qiyaasta dhulgariirada ayaa waxa sii korodhey tirada ku dimatey iyo inta ku dhaawacantey. Waxa la daawadey guri dabaqa oo halmar dhulka galay, waxana la sheegay inuu ahaa mid qoysas deganaayeen.


Dadkii ka ag-dhawaa ayaa isla markiiba ku xoomey si ay u badbaadiyaan. Masuuliyiinta Turkiga ayaa sheegay in tirada dhimashadu hadda marayso 6 qof dhaawacuna boqolaal gaarayo.

Turkiga ayaa ka mida wadamada caadiga ay u tahay dhulgariir, waxana dadka la siiyaa tababaro la xiriira sidii looga badbaadi lahaa dhulgariirka.


Dhulgariirka xoogiisa ayaa laga dareemay caasimada labaad ee dalkaasi ilaa Giriiga.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.