X

Tirada haweenka Somalida ku dayacan Liibiya oo korodhey

Tirada haweenka Somalida ku dayacan Liibiya ayaa korodhey. Warbixin ay soo gudbiyeen hay’adaha u dooda xuquuqda dalka ayaa sheegay in haweenka ku dhex umuley jeelasha Liibiya ay kordheen.

Haweenkan badankooda ayaa la kulmey tacadiga kufsiga meelo badan intii ay joogeen Liibiya isla markaana aqoon ilmaha ay dhaleen cida ay u dhaleen.


Tirada la soo sheegay ayaa gaaraysa ilaa 10 gabdhood oo kufsi ku dhalay, halka qaarkood ilmaha la tagaan Yurub  haday badda dhaafaan. ”Intani waa inta lagu hayo jeelasha ay maamusho dawlad ku sheega Galbeedka dalka oo ay ku jirto caasimada ayaa lagu sheegay warbixinta.


Waxase la ogyahay kuwa lagu haysto guryaha inay ka badan yihiin oo ay yartahay haween aan lagu kufsan Liibiya ama lagu soo kufsan Suudaan iyo saxaraha.

Dhawaan ayay ahayd markii dawlada Somaliya ay dib u soo celisay dhalinyaro Somali ah oo rag u badan inkastoo haween badan diideen inay dib u noqdaan.


Dawlada Somaliya ayaa ku dadaalaysa inay dadkeeda dib u soo ceshato, waxase jirta in dhalinta badankoodu welli rajo ka qabaan inay badda galaan ayaa lagu sheegay warbixinta.

Soo akhrintii Rasghiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.