X

Tirada ku dhimatey qarax shalay ka dhacay Muqdisho oo korodhey

Wararkii u dambeeyay qarax ka dhacay magaalada Muqdisho oo ay caadiyan fuliyaan dhiigmiiratada shabaab ayaa waxa sii kordhey khasaaraha ka dhashay. Dhiigmiiratada ayaa xasuuqa ka fuliyay goob shaaha laga cabaayay.


ā€¯Naftii haliguhu wuxuu la beegsaday goob dadku ku badnaa oo shaah laga cabaayay waanad ogtihiin waxay ku farxaan inay xasuuqaan dad aad u farabadan ayuu yiri sarkaal u hadlay booliiska.


Tirada is qarxintaas ku dhimatay ayaa waxa ku dhintey 11 qof halka xalay tirada la sheegay ay ahayd 9 qof. Xerada tababarka ee Dhegabadan ayaa waxa u dhow maqaaxiyo mashquula.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.