X

Saddex dal oo Muslima oo dhoolatuskooda milatari isha lagu hayo

Dhoolatus

Waxa dalkaasi Aserbajaan ka bilaabmi doona dhoolatus milatari oo isha aad loogu hayo oo ay wada qaadan doonanan sadex dal oo Muslima oo qayba hoosana ka wada qaatey dagaalkii Armiiniya looga saaray dhulka Aseriyiinta.


Dalalka Turkiga, Bakistaan iyo Aserbajaan ayaa cudud milatari ahaan dhinac kasta iskaga filan ayadoo midba midka kale oo ku taageearyo waxa uu kaga fiican yahay.

Turkiga ayaa xagga tiknoolajiyada aad uga horeeya saddexda dal halka Bakistaan dhinaca gantaalaha iyo nukliyeerka ay heersare ka gaartey. Aserbajaan ayaa iyadna dhinaca saliida ku xoojin karta xulafadan cusub.


Waxa dhoolatuskan isha si aada ugu haya Ruushka oo dareensan inay jirto quwad kale oo kala bixi karta wadamadii ka tirsanaa midowga Soofeeti inkastoo fikir ahaan afartuba hal cadow wada leeyihiin.

Dhoolatuskan aya socon doona usbuuc soona xirmi doona 20-ka bishan aan ku jirto.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.