X

Tirokoob aan rasmi ahayn ayaa lagu sheegay in Somaliya guud ahaan ay yihiin 12 Milyan sideese loo qaybiyay

Muqdisho–Wasaarada qorshaynta Somaliya oo la kaashanaysa Qaramada midoobey ayaa soo saartey tirokoob aan rasmi ahayn oo lagu qiyaasay Somaliya guud ahaan in ay tahay 12 Milyan iyadoo magaalooyinka Muqdisho iyo Hargeysa noqdeen kan koowaad iyo kan labaad. Tirokoobkan oo noocyo badan leh ayaa loo qaybiyay dadmiyi degan, dad magaalo degan iyo dad ku soo barakacay.

Tusaale ahaan waxa Awdal u jooga barakac ahaan dad lagu qiyaasay 233,000 oo qof halka gobolka Togdheer iyo Woqooyi galbeed ay joogaan tiro intaas ka yar.

Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa noqdey gobolka ugu tiro badan dhinaca dadka ku soo barakacay iyadoo tirade gobolkaasi lagu qiyaasay in ka badan hal milyan.

Gobolo la is lahaa way dad badan yihiin sida Jubooyinka ayaa dadkoodu ay noqdeen kuwa ugu yar. Gobolka Sool iyo Sanaag ayaa iyaguna oqdey kuwa dadkooda lagu qiyaasay ku yar.

Halka gobolka Bari iyaguna dadkooduna yahay dhex dhexaad. Isku soo duuboo gobolka Banadir aoo Muqdisho ah ayaa noqdey kan ugu badan laakiin aan wax sidaasa ka badneyd gobolka Woqooyi galbeed.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS.COM

admin:

This website uses cookies.