Madaxweynaha Somali galbeed oo bixiyay waraysi ayaa taabtey kharashka kaga baxay dagaalka lagu dabar goynayo Tigreega ay taageeraan reer galbeedka. Waxa la ogyahay in reer galbeedku malayiin doolar ay siiyeen Tigreega sida ay qirteen Tigreegu.
”Waxa dagaalka nooga baxay 90 milyan oo lacagta Birta ah oo u dhiganta ama ku dhow 2 milyan oo doolar xilli deegaanka Somalidu aanu haysan dhaqaale ku filan ayuu yiri Mustafe Cagjar.
”Waxaan diyaar u nahay inaan bixino intaas ka badan haddii dhaqaaluhu noo saamaxo ayu raaciyay. Tigreega laftiisu waxay rabeen xukun hal meel ka yimaada waxana taas ka markhaatiya markay xukunka hayeen.
Tigreega ayaa bahdilaadii ugu xumayd abid ku sameeyay Somalida ku nool Somali galbeed. Marka laga yimaado dilka dhaca iyo kufsiga wuxuu lacagta ay xaqa u leedahay gobolka Somali galbeed toos ugu shubi jirey Tigreega.
Maxamed Yuusuf
ARAABINEWS
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay