Thursday, April 25th, 2024
header










Meta







Turkiga iyo Qadar waa ku filan yihiin Somaliya

Kadib maalintii madoobeyd ee 28/12/2019 ee dhiigmiiratada wahaabiga ah ee shabaab la baxdey xasuuqdey ardey iyo dad shacaba oo hawlahooda wata waxa Soomaali dhibka la qaybsaday waa Turkiga iyo Qadar.



Turkigu waa dawlad horusocoda oo awood u Ieh inay dhabarka u ridato inay gargaar deg dega oo wax ku oola u fidiso dadkii cadowgu dhaawacay ama ka soo haray xasuuqa.

Waxaan shaki ku jirin Qadar oo iyadu awoodi Karta inay bixiso qarashka ku baxaya gargaarka hadda loo baahan yahay ay dhinaceeda soo dhiibtey  wixii loo baahnaa.



Labadaa gacmood oo isbiirsadey iyo shilimaadka ka soo haray lacagta la siiyo 276 xildhibaan ee fadhiga ku cuna xoolaha masaakiinta, waxa lagu guulaystey in loo gargaaro dadkeena cadowgu xasuuqey.

Aaway wadaadadii

Waxa kaalintoodii la tabayaa wadaadadii iyagu moodey inay diinta dadka xigaan laakiin hadda iyaga la baadi goobayo. Waxa caadi u ah in marka gabadh heesto ay durbaanka tumaan ama qalad Ka dhaco shaqsi Somali ah laakiin hadda oo kale la waayo.



Waa naadir nin wadaada oo si toosa hal maalin oo jimce ah intuu wixii kaloo dhan dhaafo uga hadlo argagixisada iyo waxa la gudboon dhalinta sida inay la jihaadaan.

Somaliya saaxiibo ma leedahay

Xilligii dawlada dhexe jirtey ee dalku hore u socdey Somaliya waxay lahayd saaxiibo kooban oo dantu keentay laakiin ma jirin saaxiibo la isku halayn Karo, inkastoo dawladaha Ciraaq iyo Liibiya caawimo keeni jireen.

Burburkii kadib cadow mooyee ma jirin Cid saaxiib la ah Somaliya ilaa Turkigu Ka naxay dhibka iyo gaajada dawlad la’aantu keentay. Ilaa haddana waxa la socda Somaliya xaalkeeda una dhow waa Turkiga.



Imaatinka Turkiga ayaa keenay in cadowgii gaalada ahaa ee iyagu Ka shaqeyn jirey kala fogeynta Somalida ay is dhahaan war meeshii hagaagtaye anaguna aan kheyraadka dhinacayaga ka helno.



Isku soo duub Somaliya Turkiga iyo Qadar ayaa ku filan haddii looga faaiideysto sida dhabta ah laakiin ilaa hadda ma arko dawlad maalaysa mudadaas dheer waayo waxay labaduba keenaan waxay u muuqato in markaas loo baahan yahay

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS



Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka xiga

Iiraan oo gaartay lix guul oo horleh weerarkii Yuhuuda

April, 16, 2024
Weerarkii Iiraan ay ku qaaday Yuhuuda ayadoo la ...

Yuhuuda oo qiratay in saldhig milatari iyo gego diyaaradeedba ku daayeen

April, 14, 2024
Weerarki xalay ee Iiraan ku qaaday Yuhuuda oo ...

Maraykanku ma ku dhacaa inuu weeraro Iiraan kadib weerarkii Yuhuuda?

April, 14, 2024
Iiraan ayaa hurdada u diiday Yuhuuda iyo kooxda ...

Wadamada Kuwayd, Qadar oo Maraykanka u diiday

April, 13, 2024
Wadamada Kuwayd iyo Qadar ayaa Maryaykanka u diiday ...

Iiraan oo maskaxiyan u dishay Yuhuuda xilli ayna far

April, 13, 2024
Iiraan ayaa wacad ku martay inay ka aargoosato ...

Dhacdooyinka

Sucuudiga oo safar raali gelina ugu tagay dabadhilifka Yukrayn

February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...

Dhulbahante oo ugu dambeyn ku heshiiyay inay is xoreeyaan

December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...

Imaaraadka oo qirtey inay dhaceen maamulka Somalilaan

December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...

Nin gabdhaha daroogeeya kadibna muuqaal ka duubta oo la qabtey

November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...

Ruushka iyo Shiinaha oo noqday saaxiibka keliya ee Somaliya

November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...

Qadar oo koobka adduunka ka faaiidey dad badan oo diinta qaatay

November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...

Madaxweynaha FIFA oo reer galbeedka ku tuntey

November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...