X

Turkiga iyo Suuriya oo ku shiraya Ruushka

Waxa si rasmiya u bilaabmay wadahadalo dib loo xaarayo in la soo afjaro colaada u dhaxaysay Turkiga iyo Suuriya halkaas oo ciidamo ka tirsan Turkiga ay ku sugan yihiin dalka xorta ah ee Suuriya.



Waxa dhexdhexaadintan wada madaxweynaha Ruushka oo raba inuu soo afjaro colaada uu abuuray madaxweyne Dayib Erduqaan oo isku daytay inuu burburo dalka jaarkiisa ee Suuriya, markii uu hubeeyay jabhad akhwaana una bixiyay ciidanka xorta ah ee Suuriya.



Ujeedada ugu weyn ayaa ah in Turkiguna uga faaiideysto xiriirka cusub inuu fidiyo ganacsigiisa, ciidanka Suuriyana ayna weerarin gobolka argagixisada joogto ee Idlib halka dagaalka Kurdiyiintana uu kala shaqeeyo dawlada dhexe ee Suuriya sidii loo soo afjari lahaa.



Halka Ruushkuna ka faaiidayo inuu helayo dawlad degan oo ayna ku furnayn colaad maadaama uu saldhig weyn ku leeyahay Suuriya oo faaiidooyin badan leh.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.