X

Turkiga oo dalka badankiisa ay dantey korontada aan ka ahayn hal magaalo oo korontada ka hesha Iiraan

Istanbul–Turkiga ayaa korontadu ka go’dey dalka badankiisa taasoo keentay in waxkasta istaagaan. Masuuliyiinta Turkiga ayaa qabtey shuir deg dega iyagoo sheegay in ay eegayaan ficil kasta oo keeni kara in korontadu go’do oo ay ku jirto argagixiso.

Magaalooyonka waaweyn ayaa korontadda go’dey keentay in dukaamada laga soo wada baxo halkaa tareenada ku socda wadooyinka laamiga ah ay iyaguna istaageen.

Dadka Turkiga ayaa sheegay in ay tan oo kale arkin muddo tobaneeyo sanno ah waxayse masuulioyiintu sheegeen in khadka ku xiran Yurub uu waxyeelo soo gaartey.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in magaalooyinka badankooda ay korontadu u soo noqotey laakiin ayna ahayn mid sidii la rabey ah.

Rashiid Ceelaanyo wararka Yurub

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.