X

Turkiga oo ku eedeeyay Maraykanka iyo Ruushka inay hubeynayaan Armiiniya

Madaxweynaha Turkiga Dayib Erduqaan oo ka hadlaayay dagaalka Asarbajaan iyo Armiiniya ayaa ku eedeeyay Maraylanka, Ruushka iyo Faransiiska inay hubeynayaan Armmiiniya. Madaxweynaha ayaa og sirta Armiiniya oo ah inayna haysanin hub la’aan inkastoo lagu jabiyay dagaalka.


”Armiiniya waa dal yar oo iyaga dhan waa laba milyan mana awoodaan inay mudo dheer sii dagaalamaan waayo hadda waxa ka dhintey ugu yaraan kun askari, si degdega uma bedeli karaan, waana halka Ruushka iyo khaniisiinta kale ee reer galbeedku ka soo galayaan dagaalka ayuu yirti Xuseen Warsame.

Waxaad is weydiin kartaa Armiiniya intee dagaalami kartaa dhaqaale ahaan xilli la ogyahay in gaaladu hadda tarmin ayuu raaciyay. Waxaan shiki ku jirin in Ruushku dagaalka qaybtiisa kaga jiro halka Maraylanku iyo Faransiisku bixinayaan dhaqaalaha.


Inkastoo Turkiga banaanka iskeenay ee taageeray Asarbajaan ay gaalada kale kicisay, haddana ma jirto hub toosa oo Turkigu siiyo inkastoo Asarbajaan diyaaradaha iswada ay ka soo iibstay Turkiga iyo Yuhuuda.

Si kastaba ha ahaatee hadalka Erduqaan ayaa u muuqda inuu ku muujinayo in dalalka ku jira xabad-joojinta labada dhinac inayna daacad ka ahayn xalka ee dhinac la jiraan, inkastoo la odhan karo isaguba banaanka ayuu is keenay.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.