X

Turkiga oo ku guban doona hadduu si toosa ula safto Maraykanka

Turkigu wuxuu colaad weyn u qabaa Ruushka maadaama ay dagaalo hore dhexmareen labada dhinac, dagaaladaasna inta badan ay guushu raaci jirtey Ruushka. Xiisada hadda u dhaxaysa reer galbeedka iyo Ruushka ee ku wajahan Yukarayn waxa Dayib Erduqaan ka soo baxay laba hadal oo aad u kala duwan.


”Shalay wuxuu lahaa ma rabo inaan labadaba midkood lumiyo maantana wuxuu cambaaraynayaa weerarka Ruushku ku xoreynayo dadkiisa kuna difaacayo sharaftiisa ayuu qabaa Cali Calasow.

Haddii maanta ay xiisadu xumaato oo reer galbeedka uu la jiraa dagaal qaadaan inkastoo taas ayan dhacayn waayo away ogyihiin tamartooda, meelaha ugu horeeya ee Ruushka weerarka ku qaadi doono waa Turkiga mana jirto cid ka difaaci karta.


Waa dalka keliya ee Muslima ee si fiican u dhexgalay gaalada marar badan Muslimiinta jabiyay sida Ciraaq iyo Suuriya iila haddana si sharci daro ah ku jooga Suuriya ayuu raaciyay Cali Calasow.



Ruushka milatari ahaan ma jirto awood ka xoogweyn waxase reer galbeedku ku fiican yihiin faanka iyo dhaqaalaha, mana jirto awood reer galbeed oo si toosa ama si wadajir ahba u wajihi karta Ruushka.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

 

admin:

This website uses cookies.