Monday, May 20th, 2024
header










Meta







Turkiga oo Maraykanka ku eedeeyay inuu toos ula jiro Giriiga

Wasaarada arimaha dibedda Turkiga ayaa wax laga xumaado ku tilmaantey xarun Maraykanku ka dhisay Qubrus oo lagu tababaro milatariga xilli uu Qubrusta Guriiga u ogolaaday inay hub soo iibsan karaan, kana qaaday cunaqabataynta. Turkiga ayaa talaabadan ku tilmaamay mid jar iska xoora.



Maraykanka ayaa saldhig ku leh Turkiga, waxana saldhigyadaas uu uga duulaa wadamada Muslimka ah suda Ciraaq iyo Suuriya. Turkiga ayaa u muuqda inuu cidla taagan yahay isagoo lagu yaqaanay inuu kolba dhinac u cararo.

”Siyaasada Turkiga ee Suuriya iyo Liibiya ayaa gaartey meel xun, waxana cad in Turkigu cantuugey cad weyn oo aanu liqi karayn ayuu yiri Xuseen Warsame. Inkastoo qorshayaasha badankooda ay maalgeliso Qadar, waxa hadda cad in Maraykanku diidey siyaasadiisa ayuu raaciyay.



Turkiga maxaa u furan

Erduqaan oo aad isku balaariyay waxa diidan dhamaan wadamada badda kula jaarka ah inkastoo uu leeyahay waxaan saliid ka baarayaa badda inta aan xaqa u leehay. Ruushka oo inta badan uu ku cararo marka Maraykanku ka soo horjeedsado ayuuna waxba ula harin gaar ahaan arinta Suuriya iyo Liibiya.

”Waxa u furan inuu faraha kala baxo arinta Suuriya qaasatan taageerida argagixisada gobolka Idlib., taas waxay abuureysaa in Suuriya maamusho dalkeeda, xiriir fiicana uu la yeesho Ruushka ayuu raaciyay Xuseen Warsame.



Si kastaba ha ahaatee uma malaynayo in uu sii xumeyn doono xiriirka uu la leeyahay Maraykanka oo dib u gurasho samayn doono sida haddaba uu dib ugu ceshaday markabkii baarayay saliida kadib cadaadin kaga timi Maraykanka iyo Jarmalka.

Hay’adaha reer galbeedka ee amaahda Maraykanku maamulo ayaa iyaguna weerar ku qaaday lacagaha Turkiga.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS



Readers Comments (0)




Wararka xiga

Iiraan oo gaartay lix guul oo horleh weerarkii Yuhuuda

April, 16, 2024
Weerarkii Iiraan ay ku qaaday Yuhuuda ayadoo la ...

Yuhuuda oo qiratay in saldhig milatari iyo gego diyaaradeedba ku daayeen

April, 14, 2024
Weerarki xalay ee Iiraan ku qaaday Yuhuuda oo ...

Maraykanku ma ku dhacaa inuu weeraro Iiraan kadib weerarkii Yuhuuda?

April, 14, 2024
Iiraan ayaa hurdada u diiday Yuhuuda iyo kooxda ...

Wadamada Kuwayd, Qadar oo Maraykanka u diiday

April, 13, 2024
Wadamada Kuwayd iyo Qadar ayaa Maryaykanka u diiday ...

Iiraan oo maskaxiyan u dishay Yuhuuda xilli ayna far

April, 13, 2024
Iiraan ayaa wacad ku martay inay ka aargoosato ...

Dhacdooyinka

Sucuudiga oo safar raali gelina ugu tagay dabadhilifka Yukrayn

February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...

Dhulbahante oo ugu dambeyn ku heshiiyay inay is xoreeyaan

December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...

Imaaraadka oo qirtey inay dhaceen maamulka Somalilaan

December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...

Nin gabdhaha daroogeeya kadibna muuqaal ka duubta oo la qabtey

November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...

Ruushka iyo Shiinaha oo noqday saaxiibka keliya ee Somaliya

November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...

Qadar oo koobka adduunka ka faaiidey dad badan oo diinta qaatay

November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...

Madaxweynaha FIFA oo reer galbeedka ku tuntey

November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...