X

Turkiga oo safaarad aad u quruxbadan ka dhistey Muqdisho iyo madaxda Somalida oo ka qaybgalay

Turkiga ayaa safaarad aad u qurux badan ka furtey Muqdisho. Laba munaasabadood oo daaha looga rogayay furitaanka safaaradda Dowladda Turkiga ku leedahay Muqdisho iyo Xafladda xuska 92 guuradii ka soo wareegtay madaxbanaanida dalka Turkiga ayaa ka dhacday xarunta cusub ee Safaaradda Turkiga ku leedahay Muqdisho.

Munaasabadan ayaa waxaa kasoo Kusimaha Madaxweynaha, ahna Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Cusmaan Jawaari, Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid iyo xubnaha labada gole ee Dowladda.

Danjiraha dowladda Turkiga ee Soomaaliya oo munaasabadda ka hadlay ayaa soo dhaweeyay mas’uuliyiinta dowladda ee ka qeybgashay munaasabadda, isagoo xusay in dowladda Turkigu ay garab taagantahay dowladda Soomaaliya.

Ku simaha madaxweynaha ahna afhayeenka Baarlamanka Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” oo hadlay ayaa dowladda iyo shacabka Turkiga ugu hambalyeeyay munaasabadda xuska 92 guuradii ka soo wareegtay madaxbanaanida dalkaasi.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS.COM

 

admin:

This website uses cookies.