Saturday, February 23rd, 2019
header

Turkiga oo sirdoonka Maraykanka siiyay sidii loo xasuuqay suxufi Jamaal Khashooqi

Turkiga ayaa sirdoonka Maraykanka siiyay sidii loo xasuuqay suxufi Jamaal Khashooqi oo markii ugu dambeysay gakay qunsuliyada Sucuudiga ee Istaanbuul dibna ayna u arag jaacaylkiisa uu iyada dartii u tagey meesha.



Sirdoonka Turkiga ayaa sheegay in Jamaal Khasooqi lagu dhexdiley qunsuliyuada dhexdeeda kadib markii la garaacay kadibna jirkiisa qurub qurub loo jarjaray.

Waxa kale oo Turkidu sheegeen in kadib falkaasi raggii dilka fuliyay iskugu tageen guriga qunsulka ee Istaanbuul, shaqaalihii halkaa joogeyna la yiri waxaad tihiin fasax.

Sirdoonka Turkiga ayaa sheegay in la helay codkii sida dilku u dhacay iyo qaylada ragii dilaayay iyo weliba codka Jamal Khasooqi.



Maraykanka iyo Sucuudiga ayaa is-weheshada weyna adagtahay in Trump talaabo ka qaado Sucuudiga oo uu hore u sheegay in aanu usbuuc sii jireyn hadayna iyagu taageerin milatari ahaan. Hadalkaas oo Trump ku celiyay markale.

Xasuuqa Jamaal Khasooqi ee qunsuliyada ayaa Turkidu ogaadeen markiiba mase rabaan in ay khashifanto waayo waxa ka baqayaan in la yiraa waxa safaaradaha idiin dhexyaala qalab wax duuba.

Erduqaan oo Sucuudigu kula jiro dagaal hoose oo diimeed ayaa isaga laftiisu rabin inuu sii xumaado xiriirka labada dal, wuxuuse garan la’yahay si uu hadda uga baxo, ayadoo mucaaradku dalbanayaan in xiriirka labada dal dib loo eego.



Waxa kale oo iyadna meesha ku jirta in gacan ku dhiiglaha Sucuudiga aan far la saarayn lacagaha iyo hubka uu ka iibsado Maraykanka, haddiise arintan oo kale ay ka dhici lahayd wadan kale la maqli lahaa guux iyo hanjabaado, taas oo ah munaafaqadii lagu yiqiinay reer galbeedka.

Sirdoonka Turkiga ayaa tusay sirdoonka Maraykanka maqal iyo muuqaal, waxase la sugayaa sida ay u qariyaan arintan.

Jamaal Khasooqi ayaa gacan ku dhiigle Salmaan ku cuney maxaad u hadashay.

Soo diyaaritii Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS



Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka xiga

Qalbi aniga waaye: Qiso naxdina oo walaalkeen qabsatey

February, 21, 2019
naxdinWarsame magaciisa saxda ah maaha waa shaqaale ka ...

Muuse Biixi oo loo sheegay inu la shaqeeyo dawlada dhexe

February, 21, 2019
Madaxa maamulka Somaliland oo looga yeetay Itoobiya,ayaa loo ...

Amisom oo laga saarayo xeradii tababarka ciidanka ee Jaalle Siyaad

February, 20, 2019
Ciidanka Afrikaanka ah ee guusha ka keenay la ...

Maxay ka wada hadleen madaxweyne Ismaaciil Cumar iyo Farmaajo

February, 20, 2019
 Madaxweyne Farmaajo ayaa ku sugan caasimada Jabuuti halkaas ...

Maxaa ka jira in Farmaajo Muuse Biixi kula kulmayo Itoobiya

February, 20, 2019
Waxa baryahan jirey warar sheegaya in raiisal wasaaraha ...

Dhacdooyinka

Ilhaan Cumar oo jawaab kulul siisay xagjir Trump

February, 14, 2019
Xildhibaanada laga soo doorto Minasoota ee dalkaasi Maraykanka ...

Muwaadin waxqabad dhaba lagu yaqaaney oo xil la wareegay gobolka Awdal

February, 13, 2019
Dr Maxamed Xaaji Cumar Yaabe oo dad badan ...

Puntland oo ogaatey halka argagixisada dilalka fulisaa isku qariso

February, 13, 2019
Masuuliyiinta Puntland ayaa sheegtay inay ogaadeen halka argagixisada ...

Siyaasi Cali Faarax oo si adag uga hadley dhalinta xustey xasuuqii SNM ee Awdal lagu xirey

February, 12, 2019
Siyaasi Cali Faarax Cabdullaahi ayaa si adag uga ...

Saldhiga Imaaraadka aan Berbera ka siinay kiro maaha: Somaliland

February, 9, 2019
Waxa ilaa in muddo ah soo socotey sheekada ...

Dawlada Somaliya oo dacwad la fuushey maraakiib shisheeye

February, 8, 2019
Dawlada Somaliya ayaa dacwad la fuushey maraaiib ajaaniba ...

Boorama oo laga xusey maalinta madow ee 4-ta Feeberweri ee xasuuqii SNM

February, 4, 2019
Maalintan madow ayaa SNM oo wadata askartii Mingeste ...