X

Tuugo gabadh ganacsato ah ku dhacay Hargeysa oo la qabtey

SUUQ HARGEYSA

Booliiska magaalada Hargeysa ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen tuugo gabadh ganacsato ah dhacay xalay saqdii dhexe. Booliiska ayaa sheegay in ragga dhaca gaystey ay dalooliyeen bakhaar gabadhu lahayd.


Gabadhan dhaca loo gaystey ayaa magaceeda lagu sheegay Farax Faarax Cali, waxana laga dhacay lacag gaaraysa $3000 oo doolarka Maraykanka iyo lacago kale oo shilimaadka maamulka ah.

Booliiska ayaa sheegay inay saakadii hore ku guulaysteen inay qabtaan ragga lacagta xaday. Dadka tukaanada iyaguna ku leh agagaarka bakhaarka la dhacay ayaa sheegay inay aad ula yaabeen oo ayna filayn.


ā€¯Fajac ayay nagu noqotey waayo albaab la jebiyo waan arki jirney laakiin in gidaar dhan la burburyo waa wax nagu cusub ayuu yiri goobjooge kale. Waxa la sheegay in mid ka mida ragga dhaca gaystey uu ahaa shaqaalihii bakhaarka.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.