Tuugo gabadh ganacsato ah ku dhacay Hargeysa oo la qabtey
Booliiska magaalada Hargeysa ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen tuugo gabadh ganacsato ah dhacay xalay saqdii dhexe. Booliiska ayaa sheegay in ragga dhaca gaystey ay dalooliyeen bakhaar gabadhu lahayd.
Gabadhan dhaca loo gaystey ayaa magaceeda lagu sheegay Farax Faarax Cali, waxana laga dhacay lacag gaaraysa $3000 oo doolarka Maraykanka iyo lacago kale oo shilimaadka maamulka ah.
Booliiska ayaa sheegay inay saakadii hore ku guulaysteen inay qabtaan ragga lacagta xaday. Dadka tukaanada iyaguna ku leh agagaarka bakhaarka la dhacay ayaa sheegay inay aad ula yaabeen oo ayna filayn.
”Fajac ayay nagu noqotey waayo albaab la jebiyo waan arki jirney laakiin in gidaar dhan la burburyo waa wax nagu cusub ayuu yiri goobjooge kale. Waxa la sheegay in mid ka mida ragga dhaca gaystey uu ahaa shaqaalihii bakhaarka.
Maxamed Yuusuf
ARAABINEWS
April, 16, 2024
Weerarkii Iiraan ay ku qaaday Yuhuuda ayadoo la ...
April, 14, 2024
Weerarki xalay ee Iiraan ku qaaday Yuhuuda oo ...
April, 14, 2024
Iiraan ayaa hurdada u diiday Yuhuuda iyo kooxda ...
April, 13, 2024
Wadamada Kuwayd iyo Qadar ayaa Maryaykanka u diiday ...
April, 13, 2024
Iiraan ayaa wacad ku martay inay ka aargoosato ...
February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...
December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...
December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...
November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...
November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...
November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...
November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...