X

Uhuru oo war ka soo saaray weerarkii argagixisadu ku qaaday huteel Dusit

Wararkii ugu dambeeyay ee ka imaanaya huteelka Dusit ee shalay ay galeen argagixsada shabaab ayaa sheegaya in mardhow ciidanka Kiiniya soo afjareen weerarkaas. Waxay ku qaadatey 24 saacadood inay ku xoreeyaan huteelka iyo dadka. Uhuru ayaa sheegay in 14 qof lagu diley.

Waxa saaka afartii subaxnimo laga sii daayay huteelka dad ku jirey dabaqa koowaad oo ay ku dhuumanaayeen miisaska hoostiisa.


Waxaa isla shalay la sii daayay muuqaalka afar argagixiso oo tooganaya dadka iyo gawaadhida inta ayna gelin huteelka oo ayna ku dilin dad gaaraya 12 ruux oo aan waxba galabsan.


Kiiniya ayaa dalbatey in Maraykanku ka soo gaaro maadaama ayna aqoon u lahayn weerarada noocana. Wararka ayaa sheegaya in argagixisadu ku jireen dabaqa 7 halkaas oo ay ku jiraan shaqaale iyo dad caadiya.

Maaha markii ugu horeysay ee argagixisadu weerarto huteelo ku yaala Kiiniya, waxay ahayd sanadii 2013 markii ay dileen 67 qof oo iska jooga suuq laga adeegto.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.