Waxa xog ay ku heshay Araabinews.com Khamiistii in ragii dhacay Boorama qaybta sarifka ee muruqmaal Muuse Caamir ay dhamaantoodba ka soo jeedeen isla gobolka oo ayna ku jirin dad ka yimi gobolada jaarka sida Woqooyi Galbeed. Waxa markiiba dadka magaaladu isla dhexmareen halka ay u carareen halka dad badan oo bilaa shaqo ahna ay iyagu ku soo urureen goobta dhibaatadu ka dhacday.
Waxa dadweyne aan waraysanay noo sheegeen in ragaasi magaalada uga baxeen dhinaca seeraha halka ciidanka booliisku iyagu ay albaabada xirteen sugayeena in ciidanka milatarigu ay iyagu goobta gaaraan taas oo dad badan iswaydiiyeen khatarta soo wajihi karta hantidooda.
Waxa Jimcihii soo baxday magacyo maqan oo laga waayay magaalada iyo durba in la helay xan ah in ay isku fahmi waayeen sidii ay u qaybsan lahaayeen hanti wixii ay soo dhaceen.
Waxa hadaba dadkii ogaadey magacdaa suuqa ku jirta ay Araabinews.com u sheegeen in hal ujeedo oo kaliya ay lahaan karaan taasina ay tahay mid ay ka mideysnaayeen in ay lacagi soo gasho.
Waxay dadka u waramay Araabinews.com ka gaabsadeen in ay galiyaan dhacdadan dhinaca siyaasada maadaama ayay yiraahaan sida ay hantida u qaybsadeen ayna sal ku lahayn gacan labaad oo ku jirta.
Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in durba qabiilada ay ka soo jeedaan ay arintani galayaan waxase aan wali la ogeyn inta midkasta uu qaatay ,,,inkastoo ruug cadaa u waramay Araabinews.com uu isagu sheegay in ay adkaan doonto sida hanti loogu soo celiyo muruqmaal Muuse Caamir.
Waxase si cad loo kala ogaan doonaa maalmaha soo socda magacyada ragaas ku dhiiraday in ay walaalkood dhacaan iyo kaalinta ay ka ciyaari doonaan madax dhaqameedku.
Maxamed Yuusuf madaxa wararka Woqooyiga
ARAABINEWS.COM