15/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

ROOBLE

ARAABINEWS

Ummad abaar u dhimanaysa iyo dhoof iyo qosol miyaa isleh

Waxa dalka ka jirta abaar baahsan laakiin Maxamed Xuseen Rooble oo hadda ku magac dheer gunti giijiye wuxuu ka doorbiday inuu dibiro dhacsi u tago Jabuuti oo ay uga horeeyeen kooxda dibira dhacso.




Kooxdan dibiro dhacso oo marti qaadyadan ku bixiyay in ka badan hal milyan oo doolar waxa sheekadan abaabulay oo ka dambeeya isla kooxda Xalane. ”Waxa meesha ka muuqda dad xitaa af-Somaliguba ku adag yahay ayuu yiri Xuseen Warsame.

Dadkan oo dhamaantood dadki shalay ka cararay dalka iyo kuwo yaraan ku tagay qurbaha ayaa haysta fikrado ka fog dhaqanka iyo siyaasada Somalida waana kuwa la rabo in lagu beero dalka.



”Waan ka filaynaa gunti giijiye inuu qosol iyo damaashaad u baxo laakiin kama filayno cidkale ayuu qabaa Xuseen Warsame. Waxa beri la filayaa in madaxweyne Farmaajo tago Turkiga oo looga hadlayo waxa hadda loogu yeero Turkiga iyo Afrika, waxan adad badan qabaan inaan madaxweynuhu tagin shirkaas.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS