Guud ahaanba Somaliland Waxa kuxoogaysanaya Urur Diimeeyada Wayaahiyiinta ah Kuwaas oo Siyaabo kala Duwan Siyaasada Somaliland ugu Dhexjira Ururadan oo aan lahayn Ujeedo Midaysan ayaa hadana Wata Fikiro Kooxo Diimeeyo iyo Mad-habo Laga Soowariday Aragtiyaha Kooxo Diimeeyada Bariga Dhexe.
Kuwaas oo Siyaabo badan isku Diidan Halka Waxyaabaha Qaarna ay isaga Midyihiin, Dhaqanada Qariibka ku ah Bulshada Somaliland ee Wahaabiyiintu Dalka Keenen Waxa kamid ah Ladagaalanka Wax Soosaarka Haweenka iyo Shaqo Abuur Loosameeyo iyaga oo Dumarka ku Qasba in ay Guryaha ku Xabisnaadaan oo aanay Suuqyada kasoo Muraadsan.
Qaab Lasibeed Adoonsinimo kamuuqato oo Haweenka lagu Dirqiyo in Dusha Laga Saaro Maryo Madaw oo iyana Ah Dhaqamo Laga Soo Waariday Carabta, oo iyagu ah Ummado Aasa Qiimaha iyo Nolosha Haweenka.
Kooxo Diimeyadan Waxa kale oo ay Qabsadeen Badiba ilo Dhaqaaleedkii Dalka iyaga oo Inta badan Gacanta kudhigay Goobaha Ganacsiga ee Somaliland waxana ay Duulaan kuyihiin in Dalka lakeeno Ganacsi Madaxbanaan oo Caalamiya, kooxahan isdiidan balse Kamidaysan Dulaynt Dhaqanka Bulshada Somaliland ayaa Waxa ay Kudhex Xoogaysteen Xukuumada Somaliland hada Kajirta iyaga oo kafaa,idaysanaya Diiciifnimada Awooda Madaxwaynaha Dalka oo Da, iyo Xaalado Caafimaad Xumo isugu Biireen.
Kooxo Diimeeyadan ayaa Dhawaan Hotelada Waawayn ee Dalka Geeyay Amaro ay ku Bixinayaa in aan Rag iyo Dumarku kuwada Cawayn karin Hotelada Sidoo kalana Lasameeyo Goobo Raga iyo Dumarka ukala Gooniya oo aanay Meel kawada Cashaynin.
Waxa sidoo kale ay Suuqyada Hargaysa Ka bilaabeen in ay Eryadaan Haweenka Kulabisan Shalmado Garbo Saartii Hablaha Somalidu Hidaha u lahaayeen iyaga oo ku Qasbaya in ay Xidhaan Waxa ay ugu Yeedheen Xijaab iyo Niqaam,
Waxase Awooda Kooxdani Banaanka Usoobaxday Markii ay Dhawaan Bilaabeen in ay Suuqyada Hargaysa Dharka kagabixiyaan Dhalinyarada U Labista Sida aan iyag Cajabib Sidoo kalana Waxa ay Timaha kagaga Xiiraan Dhalinyaro Wiilal ah oo ay Saluugeen Qaabka ay Timaha U Jartaan Sida ila Wareeyo Looga Qaateeni Usheegeen Warbaahinta Somalilandlive Media Arinta Waxa Arintan Wada Urur Dimeedka Ictisaam oo Shaadkja Dawlada kudhuumanaya iyada oo Sida Lasheegay Taageero Dhaqaalena ay Kuxinayso Shirkada Telesom oo ah Shirkada ay Kooxdaasi Leedahay.
More Stories
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay