X

Ururka la magac baxay macawisleyda ee la dagaalama argagixisada oo la kulmey xildhibaano

Ururka la magac baxay macawisleyda ee argagixisada kula dagaalama gobolka Shabeelaha dhexe gaar ahaan degmooyin u dhow Aadan Yabaal ayaa la kulmey xildhibaano iyaguna ka soo jeeda gobolka.


Ururkan ayaa aad loo amaaney waana ururkii ugu horeeyay ee iskood isku abaabula ee u dulqaadan waaayay argagixisada ama kooxda gaalaynta Muslimiinta qorigana qaatey si ay u difaacaan sharaftooda.

Dhawaan ayay ahayd markii ururkan macawisleyda iyo argagixisada uu dagaal qaraar dhexmaray. ā€¯Waxay u qalmaan in la taageero oo hub la siiyo si argagixiso fooda u gelin deegaankooda ayuu yiri xildhibaan la kulmey ururka.


Wasiirka gaashaandhiga ayaa sheegay in dawladu taageerayso dadkaas iskood isku abaabuley isagoo amaaney dhiiga ku jira dadkaas.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS.


admin:

This website uses cookies.