X

Wuu baxay af maaha ee Sucuudiga ha sheego halka suxufi Khasooqi maray: Erduqaan

Erduqan ayaa dalbadey in Sucuudigu cadeeyo halka uu ku dambeeyay suxufi Khasooqi oo ilaa hadda la cadeeyay in suxufigaasi lug kaga bixin qunsuliyada Sucuudigu ku leeyahay Istaanbuul.

Madaxweynaha Maraykanka Trump oo wax laga weydiiyay arinta Suxufiga ayaa sheegay in aanu maqli karin aadna uga xunyahay wararka ka soo baxaya Suxufigaas.


Wasiirka arimaha dibedda ee Maraykanka ayaa isna dalbadey in Sucuudiga kala shaqeeyo Turkiga halka suxufigaas ku dambeeyay oo ay tahay arin cawaaqib xumo leh.

Suxufi Khasooqi oo fikirkiisa ku qora wargeys ka soo baxa Maraykanka ayaa salaasadii hore warqado u doontey qunsuliyada Sucuudiga, waana markii ugu war dambeysay jacaylkiisa u doonan ee Xaafis oo dibedda ku sugtey muddo 11 saacadooda.

Erduqaan oo jooga Hungary ayaa sheegay in aan la aqbali Karin sheegashada Sucuudiga ee ah wuu baxay ee na soo hordhigaan cadeymo muujinaya.


Waxa la sii daayay sawir muujinaya Suxufi Khasooqi oo galaya qunsuliyada laakiin lama arkin asagoo baxay, waxase la arkayaa kaliya gawaadhi baxaysa.

Hay’adda ugu sirdoon dheer dalkaasi Turkiga ayaa iyana ku biirtey raadinta suxufigaas ayadoo saacado dheer la fiirinaayo duulimaadyadii baxay iyo halka gawaadhida ka baxdeyy qunsuliyada ay tageen.

Masuuliyiinta Turkiga ayaa aaminsan in suxufigaas lagu dhexdiley qunsuliyada kadibna jirkiisa qurub qurub loo jarjaray laguna qaadey gawaadhidaas safaarada.


Erduqaan ayaa sheegay in aanu ka seexan warka suxufiga. Xildhibaanada Maraykanka ee labada xisbi ayaa iyaguna sheegay in Maraykanku talaabo adag ka qaato haddii Sucuudigu hogaansami waayo.

Sawirka hoose waa suxufi Khasooqi oo galaya qunsuliyada. Waxa kale oo muuqda saacadii uu galay

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.