Monday, May 20th, 2024
header










Meta







Waa goorma fadhiga ugu horeeya ee loo fariisan doono xalinta muranka badda ee Kiiniya iyo Somaliya

War qoraaleed ka soo baxay maxkamada caalamiga ah ee cadaalada ee magaalada Hague ee dalkaasi Holand ee lagu eegayo muranka Kiiniya ka keentay baddeena ayaa lagu soo saaray xilliga ugu horeeya ee loo fariisan doono.

Maxkamada ayaa sheegtay in Bisha September ee fooda nagu soo heyso ay bilaabi doonto dacwada Bada, waxa ayna qoraalkeeda ku cadeysay in dacwadaasi ay u dhici doonto si cadaalad ah.

Maxkamada ayaa sidoo kale sheegtay in Dacwadaasi ay dhicayo badan ka eegtay islamarkaana ay xukminteeda ku qeexi doonto sharciyada ku xeeraan kiiska dacwadaha.

Dowlada Kenya oo ka didsan Dacwada loo gudbiyay Maxkamada ayaa goor sii horeysay sheegtay in Kiiska dacwadaani uusan khuseyn Maxkamada, balse loo baahan yahay inay kawada hadlaan Dowlada Somalia.

Dowlada Somalia oo iyana sheegtay in Kenya ay xoog ku heysato dhul badeed ay leedahay oo dhan 100 kun oo kilomitir oo wareeg ah aysan awood u laheyn inay ka gasho gorgortan.

DF waxay ku doodaysaa in xal diblomaasiyadeed lagu guul dareystay sidaasi darteedna ay ku qanacsan tahay kaliya go’aanka maxkamad.

Ma cadda qaabka ay Maxkamada u qaadi doonto dacwadaani, waxaana suuragal ah in Dowlada Kenya aysan wafdi u dirin Maxkamada si loo laalo dacwada furan.

C/llaahi WArmooge
ARAABINEWS

Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka xiga

Iiraan oo gaartay lix guul oo horleh weerarkii Yuhuuda

April, 16, 2024
Weerarkii Iiraan ay ku qaaday Yuhuuda ayadoo la ...

Yuhuuda oo qiratay in saldhig milatari iyo gego diyaaradeedba ku daayeen

April, 14, 2024
Weerarki xalay ee Iiraan ku qaaday Yuhuuda oo ...

Maraykanku ma ku dhacaa inuu weeraro Iiraan kadib weerarkii Yuhuuda?

April, 14, 2024
Iiraan ayaa hurdada u diiday Yuhuuda iyo kooxda ...

Wadamada Kuwayd, Qadar oo Maraykanka u diiday

April, 13, 2024
Wadamada Kuwayd iyo Qadar ayaa Maryaykanka u diiday ...

Iiraan oo maskaxiyan u dishay Yuhuuda xilli ayna far

April, 13, 2024
Iiraan ayaa wacad ku martay inay ka aargoosato ...

Dhacdooyinka

Sucuudiga oo safar raali gelina ugu tagay dabadhilifka Yukrayn

February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...

Dhulbahante oo ugu dambeyn ku heshiiyay inay is xoreeyaan

December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...

Imaaraadka oo qirtey inay dhaceen maamulka Somalilaan

December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...

Nin gabdhaha daroogeeya kadibna muuqaal ka duubta oo la qabtey

November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...

Ruushka iyo Shiinaha oo noqday saaxiibka keliya ee Somaliya

November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...

Qadar oo koobka adduunka ka faaiidey dad badan oo diinta qaatay

November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...

Madaxweynaha FIFA oo reer galbeedka ku tuntey

November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...