Thursday, May 9th, 2024
header










Meta







Waa kuma afhayeenka cusub ee dawlada Somaliya

Tartanka afhayeenka barlamaanka Somaliya ayaa lagu kala baxay ayadoo tartanku bilaabmey saaka. Waxaka tanaasulay dhowr mudanayal oo jhelay codad yar.

Ugu dambeyn waxa isku haray xildhibaan Maxamed Mursal oo ah wasiirkii hore ee gaashaandhiga iyo xildhibaan Ibrahim waxana si cad ugu guulaystey Maxamed Mursal oo helay 147.




Hadaba waa ayo Maxamed Mursal

Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan waxa uu ku dhashay magaaladda Baydhabo sannadkii 1957-kii, wuxuuna W/barashadiisa ilaa Dugsiga Sare ku soo kala qaatay magaallooyinka Baydhabo iyo Muqdisho.
Inta uusan ku soo biirin Hay’addaha Dowladda waxa uu mar soo noqday Ku-xigeenka Guddoomiyaha Baydhabo, wuxuu kale caan ku ahaa Hawlaha Bulshadda, isagoo gacan ka geysta Biyo-gelinta magaalladda Baydhabo iyo sidii Teknoolajiyadda Casriga loo gaarsiin lahaa Baydhaabo.

Dadka isaga jaalka la ah ama ay isla soo shaqeeyeen waxay kaloo sheegaan inuu Dugsi lagu barto Kombiyuutarka iyo Software-ka ka hirgeliyey Baydhabo xilli ay Reer Baydhabo u soo aadi jireen Muqdisho, si ay u bartaan Kombiyuutarka iyo Teknoolajiyada Elektoroonika.




Maxamed Mursal Sh. C/raxmaan waxa uu Waxbarashadiisa Jaamacadeed ku soo qaatay dalka Yemen, wuxuuna ka soo qalin jebiyey Jamaacadda Sayniska iyo Teknoolajiyadda (University of Science and Technology) oo ku taalla Caasimadda dalkaasi ee Sanca.
Waxa kale oo uu Shahaaho ama Diploma ka haystaa Teknoolajiyada Warfaafinta (Diploma of Information Technology) iyo Shahaadada Xiriirka Dadweynaha (Diploma of Public Relation).
Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan waxa uu dadaal dheer kadib nasiib u yeesho in loo magacaabo Xil Danjirenimo.

Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan waxa uu dadaal dheer kadib nasiib u yeesho in loo magacaabo Xil Danjirenimo.




Danjire Maxamed Mursal Sh. C/raxmaan waxa uu Waraaqihiisa Aqoonsiga Danjirenimo u gudbiyey Madaxweynihii hore ee Turkiga, Cabdalla Guul taariikhdu markay ahayd bishii July 6-dii ee sannadkii 2012-kii.
Danjire Maxamed Mursal waxaa Xilkaasi laga qaaday bishii May 28-dii ee sannadkii 2015-kii, kadib, markii ay soo baxeen Cabasho iyo Dhaliil ka dhex jirtay Safaaradda Soomaaliya ku lahayd Turkiga.
Maxamed Mursal Sh. C/qaadir waxaa uu bishii November 25-dii ee sannadkii 2015-kii noqday Wasiirkii Korantada iyo Biyaha ee Xukuumaddii Ra’isul-wasaare Cumar C/rashiid.
Tan iyo markii ay Dowladdii Federalka ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud laga guuleystay, Maxamed Mursal Sh. C/raxmaan wax Xil Dowladeed ma haynin ilaa Bishii November 2017-kii oo uu Ra’isul-wasaare Xasan Cali Kheyre u magacaabay Xilka Wasiirka Difaaca ee XFS.
Wasaaradda Difaaca ayaa Bilaa Wasiir ahayd tan iyo bishii October 12-dii ee sannadkaasi, kadib, markii uu Wasiirkii hore, C/rashiid C/llaahi Maxamed iska casilay Xilkaasi.

Warbixintii C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS



Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka xiga

Iiraan oo gaartay lix guul oo horleh weerarkii Yuhuuda

April, 16, 2024
Weerarkii Iiraan ay ku qaaday Yuhuuda ayadoo la ...

Yuhuuda oo qiratay in saldhig milatari iyo gego diyaaradeedba ku daayeen

April, 14, 2024
Weerarki xalay ee Iiraan ku qaaday Yuhuuda oo ...

Maraykanku ma ku dhacaa inuu weeraro Iiraan kadib weerarkii Yuhuuda?

April, 14, 2024
Iiraan ayaa hurdada u diiday Yuhuuda iyo kooxda ...

Wadamada Kuwayd, Qadar oo Maraykanka u diiday

April, 13, 2024
Wadamada Kuwayd iyo Qadar ayaa Maryaykanka u diiday ...

Iiraan oo maskaxiyan u dishay Yuhuuda xilli ayna far

April, 13, 2024
Iiraan ayaa wacad ku martay inay ka aargoosato ...

Dhacdooyinka

Sucuudiga oo safar raali gelina ugu tagay dabadhilifka Yukrayn

February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...

Dhulbahante oo ugu dambeyn ku heshiiyay inay is xoreeyaan

December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...

Imaaraadka oo qirtey inay dhaceen maamulka Somalilaan

December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...

Nin gabdhaha daroogeeya kadibna muuqaal ka duubta oo la qabtey

November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...

Ruushka iyo Shiinaha oo noqday saaxiibka keliya ee Somaliya

November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...

Qadar oo koobka adduunka ka faaiidey dad badan oo diinta qaatay

November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...

Madaxweynaha FIFA oo reer galbeedka ku tuntey

November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...