X

Waa maxay shuruudaha guurka ee aan la dhaafi karin?

Guurku waa heshiis aad u barakaysan oo ayna ka tegi karayn qof kasta oo Muslima oo awooda. Wuxuuna u dhexeeya boqor iyo boqorad is calmaday oo dunida iska doortey. Marka doorashada hore laga yimaado waxa ku xigta sharci muhiima oo aan la dhaafi karin.

Haddaba shuruudaha guurka ee soo jireenka ah maxay yihiin.


1-In gabadha waalidkeedu ogolaadaan in boqorkeeda ay ku daraan

2-Joogitaanka laba markhaatiya

3-Is dhaafsiga iyo aqbalaada sida gabadha mana siiseen iyo waan idin siinay

4- Meherka gabadha ee heshiiska lagu yahay sida in lagu meheriyo inuu diinta baro. Meherka waxa iska leh gabadha waana in la bixiyo maalinta meherku dhaco ama kadib.


Shuruudaha sare lama dhaafi karo. Waxaad is weydiin kartaa haddii waalidku gabadha u diido boqorka ay soo dooratey maxaa la yeelayaa jawaabtu waa taasi waa fowdo weyn sida rasuulkeena scw scw inoo sheegay, waase goorma goorta waalidku diidi karo.


Waa xilliga ay la timaado gaal ayna diintu u banayn. Haddiise waalidku ku diiday boqorka ay soo dooratey wax aan diin shaqo ku lahayn sida inuu neceb yahay qabiilka boqorkeeda. Waxa gabadha markaas meherin kara qaadi oo waxa waalidku lumiyay xaqii gabadhiisa uu ku bixin lahaa.

Haddiise aan la iskuba dayin in waalidka lala xiriiro oo waxooda gooni u dhamaysteen guurkaas waxba kama jiraan waayo shuruuda ogolaanshaha waalidka ayaa maqan.



Rasuulkeena scw scw wuxuu ina faray in guurka la iclaamiyo oo banaanka la keeno boqorka iyo boqorada is guursanaya si loo wada arko in guurkoodu dhacay. Marka ma jiri karo guur qarsoodiya.

Guurka haloo degdego qaasatan dhalinyaradan shukaansiga dheer ku jira.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.