X

Waa nasiib xumo haddii Xasan Sheekh ku soo noqdo ummadan isbedelka u baahan laakiin: QORMO

Signature --- Image by © Royalty-Free/Corbis

Waxa nasiib daroweyn noqon doonta in Xasan Sheekh uu dib ugu soo noqdo ummada Somaliyeed ee isbedelka u baahan waxase aad is waydiin kartaa yaa karti leh oo bedeli kara.

Waxa soo baxay oo taagan 24  musharax oo ay ku jiraan kuwo hore isku soo taagey iyo kuwo cusub. Kuwa hore u fashilmey waxa ku jira Xasan Sheekh, Cumar C/rashiid iyo Shariif Sheekh Axmed.


Hogga ay Somali ku rideen qaasatan Xasan Sheekh waa nidaamka gobolaysiga ama federaal oo uu hirgeliyay iyadoo uuna ku qasbanayn inuu sameeyo maamul jufeedyo. Waxana u dheer sheekada aqalka sare.

Intii ay dalka sheeganayeen in ay matalaan ummada Somaliyeed ma jirin wax horumara oo laga gaadhey dhinacyada nolosha waxase jirey dalxiis aad u farabadan iyo lacag urursi.


Waana nasiib darada haysata ummada Somaliyeed oo ay u soo baxeen xildhibaano kuwii ugu liitey oo ku soo baxay mususq oo iyadna meesha ugu xun ee Somalida laga haysto.

Waxa taasi dheer in ay yaryihiin musharixiin wax hogaamin kara ama wax ka yaqaan maamulka dawladnimo. Cidkasta waa samayn kartaa in wasiir la magacaabo midna lagu bedelo,

Wadada wasiirka ayaa loo maraa in jufo laga qaado isla jufadiina lagu celiyo. Musharxiinta hadda jira ayaa ah 24 musharax oo laba mooyee inta kale aan la tijaabin.


Musharax Maxamed Farmaajo ayaa kow ah inta hadda sharaxan oo dalka lagu aamini karo waxase hortaagan caqabado ay ku jiraan ajaanib iyo waliba xildhibaanada la doortey oo aanu ka sugeyn rajo waayo jufooyinka oo is riixaya.

Fadhiid Xasan Sheekh ayaa waxa wata beesha caalamka waxayna ku doorteen fadhiidnimadiisa taas oo ka dhigeysa hawshooda iyo shaqadooda mid sii socota.

Waxase soo socda afar sano oo khasaare ah hadii FARAKH kale RABI Somalida u bixin.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

 


admin:

This website uses cookies.