X

Waardiye midi la geliyay safaarada Faransiiska ee Sucuudiga

Warbaahinta Sucuudiga ayaa ku waramay in waardiye midi lagu weeraray safaarada Faransiiska oo uu soo gaaray dhaawac aan weynayn. Waxay sheegeen in ninka falka gaystey la qabtey.


Weerarka Sacuudiga ayaa imaanaya iyadoo saacado kahor dalkaasi Faransiiska iyagana midiyo lagu weeraray goob kaniisada ayna ku dhinteen 3 qof.

Weeraradan ayaa loo malaynayaa inay falcelin u tahay jaahil Makroon oo aflagaadeeyay rasuulkeena SCW iyo diinteena suuban. Si kastaba ha ahaatee diinteenu ma qabto in dad aan waxba galabsan la weeraro.


”Ninkan wuxuu weerarka u adeegsaday midi waxana dhaawac fudud soo gaaray waardiyaha safaarada ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Sacuudiga. Ninka weerarka gaystey ayaa lagu sheegay in da’diisu tahay 40 jir.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.