Saturday, July 27th, 2024
header










Meta







Wadahadaladii Addis ababa uga socday Khaatumo iyo Somaliland oo qodobo laga soo saaray

Wadahadaladii ugu socday Addis ababa Somaliland iyo Khaatumo ayaa si rasmiya looga soo saaray qodobo at ku saxiixan yihiin gudiyadii labada dhinac ee wadahadalada ka qaygalay.

Wadahadaladan ayaa Addis ababa lagu qabtey oo at ku heshiiyeen in Itoobiya markhaati ka noqoto sida Ingiriiska iyo Turkigu uga markhaati yahay wadahadalada Koofurta Somaliya iyo Somaliland qayb ahaan.

Qodobada ayaa sidan u qornaa

1-in wadahadal iyo wada xaajood lagu dhameeyo khilaaf kasta oo jira

2-in wixii fad-qalalo iyo dacaayad gudaheena ah in la joojiyo meelna looga soo wada jeesto

3-in meel looga soo wada jeesto wixii gacan sadexaad ah ee faro galin ku samayn kara intey wadahadaladu socdaan.

4-in laga wada xaajoodo wixii ku saabsan dhiig iyo dhaqanba ah

5-in laga wada shaqeeyo xoojinta nabad galyada .

6-in ciidamada Somaliland ee ku sugan gobolada Sool iyo deegaanada Sanaaf Bari iyo Buuhoodle dib loo qorsheeyo joogitaankooda iyada oo la tix galinaayo mar walba baahida iyo xaalada nabad galyadu sida ay tahay

7-in aan la qorin wax ciidan beeleed ah inta wadahadaladu socdaan.

8-in maamul daadajin buuxda loo sameeyo oo taabanaysa dhinacyada siyaasada dhaqaalaha maamulka,arimaha bulshada iyo iyo nabad galyada

9-in si wada jir ah looga wada hawl galo sidii mashaariic waawayn oo horumarineed looga fulin lahaa goboladaasi

10-in la iska kaashado sidii gar gaar loogu raadin lahaa loona gaadhsiin lahaa dadka tabaalaysan ee abaartu ku dhacday.

11-in haayadaha Samafalka ee caalamiga ah iyo kuwa qaramada midoobey ka hawl galaan kana qaadaan xayiraada goboladaasi.

Waraaqdan lagu soo saaray qodobada hordhaca heshiiska labada dhinac ayaa waxa ku wada saxeexan.

DR Sacad Cali Shire Wasiirka Arimaha Dibada Somaliland oo ah gudoomiyaha Gudida Wadahadalada Somaliland u mataya.

Halka Dhinaca Khaatumo uu ugu saxeexan yahay Gudoomiyaha Gudida Wadahadalada u matalaya Khaatumo Maxamuud Sheekh Omer Hassan.

Hoos ka akhri

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

 

Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka xiga

Iiraan oo gaartay lix guul oo horleh weerarkii Yuhuuda

April, 16, 2024
Weerarkii Iiraan ay ku qaaday Yuhuuda ayadoo la ...

Yuhuuda oo qiratay in saldhig milatari iyo gego diyaaradeedba ku daayeen

April, 14, 2024
Weerarki xalay ee Iiraan ku qaaday Yuhuuda oo ...

Maraykanku ma ku dhacaa inuu weeraro Iiraan kadib weerarkii Yuhuuda?

April, 14, 2024
Iiraan ayaa hurdada u diiday Yuhuuda iyo kooxda ...

Wadamada Kuwayd, Qadar oo Maraykanka u diiday

April, 13, 2024
Wadamada Kuwayd iyo Qadar ayaa Maryaykanka u diiday ...

Iiraan oo maskaxiyan u dishay Yuhuuda xilli ayna far

April, 13, 2024
Iiraan ayaa wacad ku martay inay ka aargoosato ...

Dhacdooyinka

Sucuudiga oo safar raali gelina ugu tagay dabadhilifka Yukrayn

February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...

Dhulbahante oo ugu dambeyn ku heshiiyay inay is xoreeyaan

December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...

Imaaraadka oo qirtey inay dhaceen maamulka Somalilaan

December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...

Nin gabdhaha daroogeeya kadibna muuqaal ka duubta oo la qabtey

November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...

Ruushka iyo Shiinaha oo noqday saaxiibka keliya ee Somaliya

November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...

Qadar oo koobka adduunka ka faaiidey dad badan oo diinta qaatay

November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...

Madaxweynaha FIFA oo reer galbeedka ku tuntey

November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...