Khartuum–Wadamada Masar Itoobiya iyo Suudaan ayaa ku saxixay heshiiska biyaha Niil oo ku saabsan qaybsashada wabiga dheer ee Niil. Itoobiya ayaa biyo xidheen ka samaysay afaafka hore ee wabiga Niil oo ka bilaabma buuralayda Itoobiya kaas oo dhaliyay muran badan. Madaxda ayaa daawaday filim ku saabsan sida hawsha wabigu u socoto.
Beeralayda Masar ayaa durbaba dareemay biyo la,aan xilliyada kulaylka ee ay u baahan yihiin biyaha. sidii Itoobiya u bilowdey dhisida biyo xidheenka weyn Masar ayaa sheegtay in ay dagaal ka xigto in uu yaraado biyaha Niil kuna hanjabtey in ay weerari doonto goobta Itoobiya ka dhisayso biyo xidheenka.
Kulanka Khartuum ayaa la filayaa in ay ka soo qaybgalaan wadamo badan iyo wakiilada Carabta iyo midowga Afrika.
Barlamaanka Itoobiya ayaa meel mariyay axdi bedelaya mid Ingiriisku dhigey oo sheegaya in biyaha wabiga Niil ay intooda badan xaq u leedahay Masar oo aan la taaban Karin waxayna ahayd xilli ay yaraayeen biyo xidheenada aduunku.
Wabiga Niil ayaa ku dhamaada Masar waxayna Masar samaysay biyo xidheen weyn oo aad loogu manafacaadsaday.
Faahfaahinta heshiiskan ayaa la sugayaa in saxaafada loo soo bandhigo iyadoo hadda kaliya la saxiixey.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS