X

Waxaan diiday mashaariic buga inaan saxiixo: Dr C/raxmaan Beyle

Wasiirka maaliyada dawlada dhexe ee Somaliya oo afka furtay ayaa sheegay in lagu nacay shilinka aan ka masuulka ahay oo la rabay in la dhaco laguna fushado dana shaqsiya. ”Waxa laygu nacay mashaariic badan oo aan diiday inaan ogolaado ilaa madaxweynaha saxiixo waana waxa aan kursigeyga ku waayay ayuu yiri Dr C/raxmaan Beyle.


Dr C/raxmaan oo aan sii gelin faahfaahin dheeraada ayaan helin kursigii uu ku fadhiyay mudada dheer inkastoo xildhibaanka galay uu isna taageero u hayo madaxweynaha dalka.


”Waxba igama gelin ama halaygu naco ama halaygu jeclaado waxaan raali ku ahay inaan ilaaliyo hantidaa laygu aaminay ayuu raaciyay. Wararka ayaa sheegaya in lacagaha uu diidey inuu saxiixo inay ku jirto mashaariic ay marsadeen wasiirada laakiin aanu madaxweynaha saxiixin.



Waxa kale oo uu diidey in la bixiyo lacagtii Imaaraadka dalka tuugada ku soo geliyay. Gunti giijiye Rooble ayaa isku dayay inuu xilka ka qaado wuxuuse ogaaday inay taasi noqonayso fadeexadii ugu weynayd.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.