X

Wafdi hordhaca oo ka socda Eritariya oo soo gaaray Muqdisho: SAWIRO

Wafdi hordhaca oo ka socda Eritariya ayaa soo gaaray Muqdisho. Wafdigan oo uu hogaaminayo wasiirka arimaha dibedda ee dalkaasi Cusmaan Saalax ayaa waxa soo dhaweeyay raiisal wasaare Xasan Cali Kheyre.

Waxa wafdiga loo galbiyay madaxtooyada halkaas oo looga hadli doono safarka la filayo in madaxweynaha Eritariya oo Muqdisho joogi jirey uu dalka ku soo gaaro.


Eritariya ayaa rabta inay ka baxdo go’doonka ay ku jirto soona celiso xiriirka ay la leedahay wadamada jaarka ah.. WAxa xiriirka hore u soo celiyay raiisal wasaare Cabi Axmed.


Kulanka ayaa looga hadlay Adkeynta xiriirka labadal iyo sidoo kale sidii Safaaradda dowladda Eritrea looga furi lahaa Magaalada Muqdisho.
Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa u sheegay Wafdiga ka socday dowladda Eritrea in uu ku faraxsan yahay in dib loo soo celiyo xiriirkii labada dal.

[embedyt] https://www.youtube.com/watch?v=3sju5OGkMBs[/embedyt]

 

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.